21 Feb 2014

JACBUR--MAANMAAL(19/08/2013)

√"Kaafka jacburka ninkii yaqaanaa, Koombo ka buuxsade

√"Maantana Gabay kuusan oo kuusan baan, Idin Soo kaxeenayaye

√"Bal ha ku marganina waa keek, Kulul sidisiye

√"Jacayl kooraraya sidii bakayle, Kibir badan

√"Amase kaneeco caashaq karbaashayoo, Kalaami kari la

√"Amase qudhanjo kalgacal laadayoo, Koob ka dhex heesaysa

√"√"Gabadhi kalgacal arbusho, Waa iney sideedoo kale kabuubyootaaye

√"Sidii jaariyad kuray jeclaatayoo, Kaymaha meeraysa

√"Oo kildhigiyo jabcadaha hadba, Kun jeer karooxeysa

√"Oo I Love U'day ku kalaamayso, Ay Kal Malyaan tahay

√"Gabadhi kalgacal arbusho, Waa iney sideedoo kale kabuubyootaaye

√"Waa iney kampaliyo nayroobi hadba, Kob ka heestaaye

√"Waa iney kulanka facebookga, Maaliniyo leyl kambadhudhsataye

√"Waa iney konton jeer tidhaahda, Kaarka adaa ibadaye

√"Waa iney ku waalataa macaanow, Kaama maarmee

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

MA XURALCEYN LUULAA?!!!

Xúrálcéyñ Lúúlâ!!

"Ma laan bislaatayoo,
"Leyrano qurxoonoo,
"Laas xaredle ku talaa?!

"Ma Laban daruuroo,
"Nimco ku lamantaho,
"Lagu haraad baxaa?!

"Ma lakab Jeegaanoo,
"Sagal liishaamayoo,
"Laga jeesan karin baa?!

"Ma laac ubaxoo,
"Muuq laaxadsadayo,
"Indhuhu ka laabmaynin baa?!

"♥Laabtiyo maankiyo,
"♥Lubigaygu raaacye,
"♡Ma xuralceyn luulaa?!

Cont...

WT: Mááñmáál Buureed Gúrxáñ

JACBUR---MAANMAAL(07/11/2012)

¤Inanyahay adinlaynaysa jacaylkaagu, Waaa afar bahoode

¤Mar waa arweeliyo, Kii odey biiqaye

¤Mar waa aar qoyey iyo jiir, Alalamtoodiiye

¤Mar waa atooriyo dawco, Aroosiyo alalagtoodiiye

¤Marna waa orgiyo saayo, Ardaa ka mushxaradayee

¤Inanyahay inkaaraha jacaylkaagu Waa xamaarato, Amuurahodiye

¤Anigu waa aqaana Abeeso niikinaysa, Irgifsanaanteede

¤Haday indhaha soo fagiigto, Afkaygaan ka albaabtaaye

¤Ileen iyadaa jecel amuur amadhsaniyo, Xoor udgoone

¤Ileen iyada abowe iyo  tidhaahda, Uurgaslow ina aabow'e

¤Ileen iyadaa ajakis iyo taqaan, Aflaamta kuuskuusane

¤Ninkii jacayl asqeeya taahiyo, Ilaaq laga ma waaaye

¤Aniguna gediisi baan ahayoo maaliniyo, aleyl waa orinayaaye

¤Nimanyahow inantaas akaakuban, Waan idiin irkanayaaye

¤Iyadaa dacariyo gadhuudh la fuudo , Iga la macaane

¤Qurruxdeedu waa jeer aguumano, Ilwaadiyo udgoon badane

¤Ninkii maalin arkaa baan, Abid ka hadhayne

¤Internetkana haday gasho waa, Deero alalaahay lehe

¤Wejibuugana sidii adhi oon ku raagay, Bey u ilaaqdaaye

¤Ubbiyo ashuun subag ka buuxana, Ilbidhiqsi bey ku lacdaaye

¤Uubkana way ruxdaa sidii, Qudhaanjo ururtaye

¤Albaabka buufiska way garaacda, Amintii la joogaaye

¤Awr ameerikaano silis sitana way, U alwataaye

¤Majaafada afardilaynaysa ninkii helaa, Waa inuu jilaabtaaye

¤Sidii bisad unug rifaysaye waa, Inuu u iimaansadaaye

¤Dabadeed daar aboor dhistay, Waa inuu la degaaye

WT:Maanmaal Buureed Gurxan
---------07/11/2012----------

20 Feb 2014

SUUGAANTU WAA DHAXALFAC

SUUGAANI WAA MAXAY?

Waxa meelo badan lagaga hadlay waxa uu yahay hadalku iyo in uu ka duwanyahay suugaanta qaybta tixda oo ah wax la tiriyo.

Dadka ku takhasusay afka soomaliga waxay sheegeen in uu Afku u kala baxo suugaan iyo hadal. Waxa kaloo loo kala qaybiyay tix iyo tiraab oo ah wax laga sheekeeyo.

Tixdu waxa ay u kala baxdaa gabayga, geeraarka, guurowga, buraanburka, heesoha iwm. Tiraabtu waxa ay u kala baxdaa maahmaahoha, sheeko-xariirooyinka­, riwaayadoha, sheekooyinka male-awaalka ah iyo waxii kale ee gaar ahaan loo qiimeeyo, sida buugagga sheekooyinka.

Arrinta caynkaas ah, gaar ahaan buugagga sheekooyinka, dadka qaar baa ay ka daadegi la’dahay, oo yidhi ”sheekooyinku waa hadal”. Haddaba, jawaabta arrintaasi meel dhow baa ay saarantahay. Qofku waxa uu yidhaahdaa “waa aan sheekaynayaa”; “waa aan gabyayaa”; “waa aan buraan-burayaa”; “waa aan heesayaa” iwm. Ma aan uu yidhaahdo “waa aan hadlayaa”.

Laba su’aalo baa meesha yaal. Waa maxay suugaani (literature)? Waase maxay hadal (language)? Jawaaboha labadaa su’aalood waxa ay kale yihiin:

Suugaani waa waxii gaar ahaan loo qiimeeyo wax-ku-qaadasho ahaanna loo barto, samayntoodana wakhti iyo feker ku baxo, lagana yaabo in muruq iyo maalba soo raacaan. Waa wax lagu kaydiyo qoraal ama qaybid.

Hadalkuse waa waxii la leeyahay ama la sheegayo ee ah xidhiidhka dadka ee caadiga ah joogto ahaan ka dhexeeya. Hadalku ma aan uu ah wax la qaybo ama uu tacab ku baxo. Sidaa awgeed, ayaa ay suugaanta qaybta tixdu u leedahay miisaan lagu ilaaliyo.

Ereyga suugaan waxa yaab ah in uu leeyahay macnayaal kala duwan oo deegaan kastaba si loo yaqaan. Waana eray ku habboon sida aynu maanta u naqaan, oo waxa ay macna-yaashaasi sheegayaan uun waa labeen, Iidaan, budada hadhuudhka, cawska isku jirka ah iyo qaar kaloo badan. Waa erey aan macno keliya loo aqoon.

Weli anigoo ku jira ereyga suugaan, waxa idiin soo gudbinayaa in soomaalidu odhan jirtey: “Suugaani hadal maaha” sii sharxaya wuxuu yidhi: ” Suugaan waxa loo yaqaanay hadalka gunuuska ah, hadal-ka lagu yidhaahdo cod hoose ee aan si wanaagsan dhegtu u maqli karin, waxaana jirtay maahmaah, saddexley ah oo odhanaysa: Hilib sooryo ma aha, Socod raaxo maaha, suugaanina hadal maaha. Waxa aad mooddaa in maahmaahdani ugu dhawdahay macnaha aynu haatan u naqaan Suugaanta.

Waxa ay macnayaashaasi kaga hilaacaya xogta aad ka helaysid ah in macnaha suugaani hadal maaha ay tahay, hadalka gunuuska ah. Ilama aha, waa hadalka aan caadiga ahayn ayaa la odhan karaa Suugaan.

Hadalna waa kan aynu ku hadalno, suugaanina hadal maaha ee waa suugaan oo wa maxay? Waa inta xaraf raaca leh, inta hab dhaca leh inta sarbeeban iwm.

Suugaantu waxa ay ku noqotay hooyoda Afka waxa sabab u ah dadaalka lagu bixiyo samaynteeda iyo marka dambe haynteeda. Waa wax la heli karo, oo diyaar ah, oo meel loogu hagaago leh ama uu qofkii doonaa garanayo meel uu u raadsado.

Markii Afka la qoray waxa ay suugaantu noqotay waxa qudh ah ama keli ah ee diyaarka ahaa ee lala soo boodey in la sheeg-sheego, ama la barto.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadeenan aan kaga hadalayey suugaani maxay tahay, Maanso gaaban oo aan u curiyey qaabka xaraf raaca suugaanta soomaaliyeed iyo suugaanta carbeed...

Meeris kasta oo ugu horeeya waxa uu ku bilaamayaa xaraf "S" waxaanu ku dhamaanaya sida suugaanta carbeed xarafka "C".. Maansadan Noocan ah waxa igu dhaliyay dareen aan kaga hadlayo suugaantu waa maxay, mase tahay wax qof kasta gadan karo oo badeeco oo kale ah, mase tahay hadal inta la soo taxtaxo aan muciyo murti lahayn, waa MAYA maaha suugaantu hadal la soo soohoo bilaa murtiyo xikmad ah.... Maansadan qaabkan ah waxaan u bixiyey QAAFIYADA LAMAAN(Qaafiyad soomaali iyo tii carbeed).

Curinta qaabkan qaafiyada lammaan waa mid aad maskaxda loo tuujinayo oo laga ilaalinaya inay jabnaanto murtina kana noqoto mid ka faro madhan.

Ka bogosho wacan Maansadii

SUUGAANTU WAA DHAXALFAC

"Suugaantu maha beec,
"Sida shaadhiyo diric,
"Suuqiyo yaala milic,
"Sanaatiyo la sisto rubuc,

"Suugaantu maaha tuduc,
"Sahal Sidaa iyo sidaa doc,
"Sadaradeeda loo dhigo israac,
"Sareebiyo lahayn murti ah sooc,

"Suugaantu waa dhaxal fac,
"Salka ku haya hidoraac,
"Sooyaaliyo leh tixraac,
"Soo jiray dhawr farac

"Suugaantu waa onkodiyo hilaac,
"Sowdkeedu leeyahay habdhac,
"Sawaxaniyo lahayn garooc,
"Sadrigaaga ku shidaya qaac,

"Saaxiibow tartaniyo laac,
"Saloolashiyo le isboocbooc,
"Suugaaniyo murti leh dhumuc,
"Sina loogu ma curiyo laaclaac

"Saaxiibow maankaga ka maanac,
"Soofsoofkiyo kana ilaali macmac,
"Soohayow han is odhan bayaac,

"Sanaatiyo lagu mana hele rubuc

WT: Halabuur Mããñmããl Gûrxãñ

19 Feb 2014

BULUZIO LOO WADA FOOF

Maansadani waa waxaan curiyay  maalinkii la dooranayay gudoomiyaha baarlamanka dawlada fadaralka ah ee soomaaliyee oo ay ahayd 28/08/2012.

Maansadani waa mid qaabka iyo habdhaca qaafiyadeedu yahay hab u curinta suugaanta carbeed, taasoo meerisyadeedu ku  dhamaanayaan xarafka "F",...Sidoo kale malaha xarafraaca suugaanta soomaaliyeed, Waana mid cagta saaraysa habdhiska jacbur maanseedka hawraarta soomaaliyeed.

Waxaana ubucdeeda ku duugan  meerisyo kuu sawiraya xaalka ka taagnaa hoolkii doorashada lagu qabtay iyo siday laacdamayeen xildhibaanadii u taagnaa xil qabashada booska horjoogaha barlamanka dawlada.

Sidoo kale waxay maansadu idiin jafeefaysaa meerisyo maadiyo qosol miidhan ah.

Waxaan iri:-

¤Buluzio loo wada foof
¤Ragu xil u wada jaynaf
¤Hurdo gogoliyo diide jiif
¤Qorraxdu u yeeshay jilif

¤Xildhibaanadii noqde haatuf
¤Ninba ninka kale sanif
¤Raaxada iskaga qaade huruuf
¤Gidigood wada gale saf

¤Muuse siidhiga afuuf
¤Socotay saacadiyo haaf
¤Waxay sii tidhaahdo girif girif
¤Codayntii lagu wada leef

¤Markiiba waraaqihii la soo quf
¤Loogu dhawaaq qof qof
¤Carabka jawaari lagu saafsaaf
¤Cali gowsaha lagu raaf

¤Musharaxiinti qaate if
¤Jawaari lagu wada daaf
¤Ilaah afhayeenka ucalaf

¤Gaas ka soo booday neef
¤Galayr yidhi warka dhaaf
¤Farmaajo soo yidhi xuf
¤Xajiintiyo iska daawe xanaf

¤Sharif sakin liqyey laf
¤Xanuunkii orodyey raf
¤Wabiga yiri jaf

¤Xasan Abshir bilow hiif
¤Halka iyo u carar sunujiif
¤Husiyo lagu yiri uf

¤Cid ka daba hadashay dhif
¤Ana gaadhsiyey daraf ka daraf

¤Bal ha ka qaadina daaf
¤Hana odhanina waa biif
¤Hana ka aadina cidhif
¤Hana udhiganina baaf
¤Yaaney idiin helin diif

¤Ninkii la jalaadaya gef
¤Kama gaaabsado qadaf
¤Oo tiisu waa beeniyo huf
¤Iyo buuro jiidhiyo qarjaf-e

¤Daawadeedu waa gaaf
¤Lagu wada yahay xariif
¤Nimanyahow Intaasina waa afeef

WT: Määnmääl  Búúrééd

♥>>>>28/08/2012<<<<

BUDHCADNIMO

"Baydadka gabay bugaax
"Bilaawiyo la dhac dhagax
"Bilicdiyo murtida ka rigaax
"Burtayo xuna weliga ku gaax

"Boowow marba ku wayrax
"Badiyo mid ku ah abasax
"Boqorka suugaanta ku lingax
"Boqolaal bayjo ah badhax

"Boowow dabadeed soo riix
"Bulshadana ruux ka ruux
"Boolidada ugu bayaami baarix

"Budhcadnimo weeye ah waadix
"Bulshooy ah sidii ayax
"Badariyo aan reebayn walax

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

JACBUR -- MAANMAAL

¤Jacburka abwaankii iga jafaajugsan baa, Soohi karaye

¤Aniguse Gabay calaashan oo raqdan baan, soo laadayaaye

¤Suugaan cajiinkaa ka badan baan, soo qubayaaye

¤Halabuurkii lugo sigaara ku taagan, Wuu jiidhayaaye

¤Bal ha ku gubanina kaygu waa dambasiyo, Bisbaas hungmaye

¤Bilcaan qurrux la jidhidhiconaysa oo, Cududuhu gaamurmeyn

¤Oo bilicdeedu buniyo dhuxul la isku qooshay, ka nuur badan tahay

¤Oo Talaabadiyo xarago socodka sidii, Jeer ulaafyoonaysa

¤Doobkii jaaheeda mar arkaa waa inuu, Caashaq la kurboodaaye

¤Ciyaal xaafadkii mar bartaa waa inuu, Cadey ula baxaaye

¤Afarta intaan soo malmalay, Ma idiin muufeeyey

¤Rag baa jacburka tabceeye sidii, Dhoodaan ma udubtay dheh

¤Gabayga lama soo muqeeye, Maraqiisa ma idiin culay

¤Balan afar kale sidii aar  shaarbo waaweyn, Ugu dhaantaayo

¤Reer xamarku jacayl gamaayoonayey, La jiboodane

¤Xiisiyo xubi aan xabadka jirin bey, La xadreeyaane

¤La,aanta ma noolan karaayina way ba, Ku heesaane

¤Dhaaciluhu Shaxaarigii hindi matali karayey, Abidkood uqiiroodaane

¤Qawdhan sidii qoodh u soo qabdhamaya wey, Ka dalandoolane

¤Bal maxaa reer waqooyiga xabibtiyo macaanta xiimaysa, Ka xarimay?

¤Iyaguba afmiishaara wey sidataan, Dacariyo malab tufaye

¤Afartaa jacaylada marin habaabay, Jalaafooyinkoodi dheh

¤Caashaq digashiyo dabin badan, Qiiro jabaantiise dheh

¤Ina xareed indho birtu samayn jiriyo, Xishood badnaantiisi dheh

¤Murtiyo suugaantaan daadin jiray, Miidiyo mucdeedii dheh

¤Jacburkuu maanmaal jeebayn jiriyo, dhinbilihiise dheh

¤Maskax baan la haynine midkuu, Dhoodaan Calaashan jiray dheh

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

WARSAN

"Waxaan aleyliyo maalin,
"Sidii aar waax la jaray,
"Warsaney la goohayaa!!!

"Waa dhibta walwalkiyo,
"Walbahaarka jacaylkeee
"Weheey gubaya naftayde

"Wacaneey iisoo dhawowo,
"Walal iidhiib gacantaada,
"Aynu wadnayaal mid ahoo,

"Isweheshada noqone.........

WT: ‪Maanmaal Buureed Gurxan‬

18 Feb 2014

FACEBOOK

√"Faleyda gabay indhaweyd ma furin, Fayliyo warkeediye

√"Marse haduu manku falo, Waan Fansaartaaye

√"Balaan fa'da ka higaadsho, Cawey fan leedahaye

√"Facebookga falanqayntisa qofba, Meel ula foofye

√"Ruux kastaba fikirkiisu hadlaa, Iyo wuxu falaye

√"Facebook faa,iidiyo khasaare, Waa laga fishaaye

√"Mar waa fidmo socotiyo, Far iblays qoraye

√"Mar waa khayr fidaaya iyo, Fariin diinmeede

√"Mar waa dembi faraha lala galiyo, Faq aan banaanayne

√"Mar waa fiyodhawre wacano, Ciladada furdamin karaye

√"Mar waa faaliye beenawas ahoo, Fayras badane

√"Mar waa abwaan suugaanta furfurayoo, Falanqeeya hawraarte.

√"Mar waa fashil dhacaayoo, Foodhi iyo ceeb badane

√"Mar waa fooqa jacaylkiyo, Fadhigii maxabada'e

√"Mar waa fadhi ku dirir xoogan oo, Fujaano loo dalbade

√"Mar waa fasal macalin ku jiroo, Fasax laga qaadanayne

continue.....

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

YAA DEEQAAY?!!!

"Yaa dadkoo dhan, Deeqaay laga xushaa?...
"Yaa dareen kalgacal, Deeqaay loo qaadaa?...
"Yaa dookh caashaq, Deeqaay lagu raacaa?...
"Yaa dahrigaga kalsoni, Deeqaay logu daabacaa?...
"Yaa daacad dhabtii, Deeqaay loo noqdaa?...
"Yaa dabacsani hadalka, Deeqaay loo deeqsiiyaa?...
"Yaa dareen diirnaxa, Deeqay loo yeeshaa?...
"Yaa dagaaliyo dood, Deeqaay laga ilaashaa?...
"Yaa duunyiyo maal darti, Deeqaay looga hadhaa?...
"Ruuxa dunida kugu jecel, Deeqa dheemanay weeyaan,
"Ruuxa....... Continuee..

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

WAA JOOKHIYO XARIIR

"Waa jeex doogliyo
"Laas xareed jiiftoo
"Nafta jeelka ka bi,inayee

"Waa jeegaan roobiyo
"Ubax jaah qurxoono
"Laga jeesan karaynee

"Waa jawhariyo luul
"Waa jookhiyo xariir
"Naftu jamanayseee

"Xubno jalaqsaneey
"IJiidatayoo Adigaa
"Naftayda jiitayoo
"Qalbigu kula jiraayeeeee......

WT: ‪Maanmaal‬ Buureed Gurxan

KHIYAARTII HAWEENKAAY

"Khadku hadduu xumaado
"Isgaadhsiintu kharaabtoo
"Khabarba la kala waayo

"Labadii Khiyaali wadaa,
"Kala khaakhaayira,oo,
"Khawf kala galaaye,

"Khiyaartii haweenkaay,
"Khadradaan jeclaayeey,

"Xiisaheenu khaayismi maayo, "Kalsoonideenu khatalmi mayso, "Jacaylkeenuna khaafmi maaye....

"Khayr usheeg naftaada,
"Adigaan khaas ku ahayoo,
"Qalbigayga ku khaydayeee.....

WT: ♡Maanmaal Buureed Gurxan♡

♥GARSOORAHA JACAYLKA♡

"Jamaad iyo geellow
"Jacaylada kala gaagaxa
"Jacaylada kala gawaanraaca
"Jacaylada kala go,a
"Jacaylada kala guura
"Jacaylada kala geyooda
"Jacaylada kala giiga
"Jacaylada kala gucleeya
"Jacaylada kala gaabiya
"Jacaylada kala gableeya
"Jacaylada kala guurguurta
"Jacaylada kala giraangira
"Jacaylada kala gambaruursada
"Jacaylada kala gangaanbiya
"Jacaylada kala geesooda
"Jacaylada kala gamaayooda
"Jaalayaal anaa isu geeyee
"Jikraarkiyo guhaadu ma fiicne

"Jacaylkaad guyaal badan
"Jamac u soo galbinayseen
"Jiradan kala ganaftay
"Jaalayaal ma soo gunaanadna?

"Jameecada xubiga cuudisiyo
"Jabaabirta geedka fadhidiyo,
"Garsooraha jacaylka ma u gudbiyaa!...
...Conti...

"Jaamaciyo caasha gobaaday
"Jacaylada kala garaaxma
"Jacaylada kala gaasirma
"Jacaylada kala galaafma
"Jacaylada kala gadangadeema
"Jacaylada kala giriftima
"Jacaylada kala gandoodma
"Jacaylada kala guracma
"Jacaylada kala gaydhama
"Jaalayaal anaa isu geeyee

"Jiraarkiyo guhaadu ma fiicne
"Jacaylkaad guyaal badan
"Jamac u soo galbinayseen
"Jiradan cakuye kala galagalaftay
"Jaalayaal ma soo afjaraa?

"Jameecada xubiga cuudisiyo
"Jabaabiirta geedka fadhidiyo,
"Garsooraha jacaylka ma ugudbiyaaa?!....

...cont..

"Jalaqsaniyo guuleedow
"Jacaylada kala gubta
"Jacaylada kala guuraama
"Jacaylada kala gurxama
"Jacaylada kala goohma
"Jacaylada kala gaydhama
"Jacaylada kala gufaacooba
"Jacaylada kala gumarooba
"Jacaylada kala gocondhooba
"Jacaylada kala golol cadhooda
"Jaalayaal anigaa isu geeyee
"Jikraarkiyo guhaadu ma wacne

"Jacaylkaad guyaal badan
"Jamac u soo galbinayseen
"Jiradan cakuye kala gantay
"Jaalayaal ma soo gabogabeena?

"Jameecada xubiga cuudisiyo
"Jabaabiirta geedka gedefta lehiyo
"Jiidali geedka sayntale fadhidiyo
"Garsooraha jacaylka ma ugudbiyaa
"Jacaylku gob weeyaaane?.....

... Continue ♡

By: Maanmaal Buureed Gurxan♡

17 Feb 2014

LAASCAANOOD

¤Naftaad ku lammaan tahoo
¤Lubigaad ku dhex nooshaho,
¤Laabtaydaan kugu qoraye

¤Hani loveka maad ila qaban
¤Aynu nugaaliyo laas xareedliyo
¤Laascaanood ku maaalneee

Continueeeeee.... ...

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

15 Feb 2014

GARASHO YAR SOOMAALAAY

¤Garasho yar soomaalay,
¤Yeelkiyo hoygeeda gubtaay,
¤Qolo qolo ukala yaacdaay,
¤Qoysas ukala yalagleysaay,

¤Garasho yar soomaalaay,
¤Yididdiilo been oloshaay,
¤Midaas diiday iyo yeelay,
¤Yaqiinteedu ka madhnataay,

¤Qarankii loo yagleelo iyo,
¤Taladeeda yacyacodisay,
¤Tu kalena soo yabyabtaay,
¤Yuuciyo yuus qabyaalad,
¤Yabooh khayra moodaay,

¤Xaqay culimadu u yeedhisay,
¤Iyo miidkii kitaabka ku yaala,
¤Abidkeed ka yahuuntaaay,
¤Dastuur ibleys soo yilayna,
¤Yabadhiyo khayr moodaay,

¤Garaam loo soo yubyubiyo,
¤Wax gaalo ka yimaadoo,
¤Duxiyo yanfaco lahayn,
¤Rajadeedii ku yibo jartaay

¤Garasho yar soomaalaay,
¤Xumaanta isugu yeedhatay,
¤Samahana ka yaacdaay,

¤Qoysiyo ruux la yaaliyo,
¤Yaqaankeeda dhibataay,
¤Dhalin yariyo waayeeliyo,
¤Yuruuriceeda cuntaaay,

¤Sidii haad yawle oo waayey,
¤Geed uu yambadhuudhso,
¤Marba kob uyoolyoolsataay,

¤Yey diinta ku gabanaya iyo,
¤Amxaarka yuhuudka sheegtay,
¤Iyo kuwaan u aabo yeelayniyo,
¤Cadowgeeda u yeedhatay

¤Xeryo yugaandhiiskiyo,
¤Qaxoontinimo u yugyugneey,
¤Mid laga yaqyaqsoodiyo,
¤Duliyo Yaciisnimo yeeshaay,

¤Yooliyo hankay lahayd,
¤Ceel yaloona ku ridaay,
¤Rajadeedii yibaha jartaay..

¤War yuuniska quraankiyo,
¤Yaasiinkiyo ducada booba!
¤Oo Yaa Rabi dhaha!
¤Waanu yara dambaabne
¤Allow yaabka na haystiyo!!!
¤Dhibta naga dul yookaysane,
¤Yuruursatay dalkayaga,
¤Eebow adiga yasiir ahe,
¤Eebow Nasri nooga yeel dhaha.

Ameeen.......

WT: Maanmaal Buureed Gurxan
---------Idimka Eebe-----------
---------03/01/2013-----------

RABIGIIN KA BAQOO KU SALIYA RASUULKA(SCW)

¤Ra'leyda maansadiyo,
¤Ruuda murtida riman,
¤Anigaa riinka ka yeedhiyo,
¤Rabeeya mid maankiyo,
¤Laabtiyo rubada ruxaysoo,
¤Uunkuba uriyaaqayaane
¤Balaan ribta xikmadeeda,
¤Rucubsan idiin ku jalbeebo,
¤Ra'uufkaa xikamka bixiyee

............^^^^^^............

¤Wakhtiyada rogrogmaye,
¤Rubuciyo daqiiqadiyo,
¤Ilbidhiqsi raagayn,
¤Rabi baa u dhigayoo,
¤Waa raafka dunidiyo,
¤U rucleynta daarta akhiree

¤Umadyahay rooraysee
¤Duunyada raacdaynaysa,
¤Daartan lagu raagi maayee,
¤Rabigiin ka baqoo,
¤Ku saliya Rasuulka(scw)

............^^^^^^............

¤Samooyinka rasaysanee,
¤Toddobada rugood ahe,
¤Lagu raaray cirka,
¤Rabi baa ukala ratibayo,
¤Waa Raxmaanka garashadiisee,

¤Umadyahay rooraysee,
¤Duunyada raacdaynaysa,
¤Daartan lagu raagimaayee,
¤Rabigiina ka baqoo,
¤Ku saliya rasuulka(SCW)

............^^^^^^............

¤Daruuraha roobkee,
¤Onkod reema iyo,
¤Hilaac raacsaniyo,
¤Danabka ridaaya,

¤Ee rugtay ku ramashaan,
¤Reexaan udgooniyo,
¤Saxansaxo loo riyaaqiyo,
¤Raysiyo doog noqonayso,

¤Ee raaskii daganaa,
¤Ramadku ugu dhalaye,
¤Xooluhuna ramaaskiyo,
¤Xareeda rasmi ugu dareerayan,

¤Waa rabi raxmadiisiyo,
¤Risqiyo deeqduu bixiyee,
¤Umadyahay rooraysee,
¤Duunyada raacdaynaysa,
¤Daartan lagu raagi maaye
¤Raxmaankiin ka baqoo,
¤Ku saliya Rasuulka(scw)

............^^^^^^............

¤Xiliyada kala reebanee,
¤Midba raad reebayee,
¤Roobka guga ramashiyo,
¤Raxan raadka diraacdiyo,
¤Rafaadka jilaal raagiyo,
¤Raxmaadka deyrtaba leh,

¤Rabi baa ukala qadarayoo,
¤Waa Raxiimka garashadiisee,
¤Umadyahay rooraysee,
¤Duunyo raacdaynaysa,
¤Daartan lagu raagimaaye,
¤Rabigiin ka baqoo,
¤Ku saliya rasuulka(SCW)

............^^^^^^............

¤Umadyahay ragiyo dumar leh,
¤Ee Raayibiyo shiikh leh,
¤Ee Ruug cadaa iyo jamici leh,
¤Ee Raqayiyo dhalinyaroba leh,

¤Adduunkan sii raaqusmaye,
¤Leylkiyo maalintu rifayaane,
¤Raadkeediisu aakhir yahaye,
¤Ruumamkiisa la rogi doono,
¤Waxba ha dabo rabaasina,

¤Aakhira rugo janooyinoo,
¤Xadhiga eebe loo raayibto,
¤Lagu raaxaysan doono lehe

¤Umadyahay roorayseee,
¤Duunyada raacdaynaysa,
¤Daartan lagu raagimaaye,
¤Rabigiin ka baqooooooo,
¤Ku saliya rasuulka(SCW).....    

...........^DHAMMAAD.........

WT:Mááñmáál Búúrééd Gurxan
-------Idimka Eebe Weeye-----
---------03/11/2012----------

WADA XARUURI

√"Xasanow Xaawaleyda soomaliyeed waa, Wada xaruuriye

√"Waa xamdiyo xafsoo miidhan oo, Xubi lala wadaagaaye

√"Waa wada cambe xarakaadayo, Xalwada ka macaane

√"Waa Xuralceyno nuriyo udgoon badanoo, Xaakim dhawraye

√"Waa darmaano xadka diintiyo, Xeerkena lagu so canqariyeye

√"Waa darmaano xijaaban oo, Xishoodiyo dhaqankena huwane

√"Waa geenyooyin xayaato leh oo, Guur loo xushaaye

√"Xag kastoo aad ka eegto waa, Hablo xariira oo qumane

√"Xaashaa lilaah inaan dumar kale, Xubiyo xiiso u qaadaye.......

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

HAASAAWE KHATALMAY

¤‎Khadraay‬ hasaawaha feysbuugu waa midaan khayr lahayne

¤Waa khabariyo sheeko khaniyoo, lagugu khaldayee

¤Waa khalamkhalamiyo huuhaa, laguu khalaaweenaye

¤Waa khuuriyo hurdo la.aaniyo, Samaleyl lagu khafiifaye

¤Waa iloveu khidmanaysoo, Qalbigaga lagu khalkhalniye

¤Waa hadal aan khulaasiyo axdiyo, Guur soo khatima lahayne

¤Maandhey intaanu khaayiniyo, Khamarji kaa helin

¤Ama intaan Jacayl khiyaaliya, Naftaada lagu khatalin

¤Maandheey khadkiisa ka fogow, Maantaad khayr qabtaaye

¤Hadii kale orodoo khuburada murtidiyo, Shuuriye kala khamuur (Murtimaalada iyo Adaam Farax Awjamac)

¤Iyagaa khiyaara oo wacanoo, Khaaliqu dhawraye (Dhalinta culumida iyo kuwa dhawrsoone Maskaxmaalka)

¤Iyagaan daaqado khaawanaya iyo, Khasnado madhan kugu habeyne (Murtimaalada iyo Aqoonyahabada)

¤Iyagaan ukhabaariniyo looga baran, Khurafaadiyo sheeko xune(Bahda Hoyga Xogtiyo xikmada ee Miida Suugaanta)

¤Maandheey iyagaad khabiir ka helaysaa, Khartuum kaga imanaye(Bootaan iyo Gaashaan)

¤Khadraay iyaguu ku jira jama murtisame, Khaas ku noqonaye (Jama ali hersi)

¤Iyagaa xikmadmaalkii khariiradu ku jiraa, Aan lagu khasaarayne(Abdiaziiz Sh. Ibraahim)

¤Maandheey khidadii faceka anigu ku siiyee, Khadkaa ka raac.......

¤Hadii kale orodo khanadahas dhex maquur, Aad khaano khaanowdide

WT: Maanmaal Buureed Gurxan‬

JACEYLKU MA MID SIDII GAAL LOO SHAXAYOO, FALANTIIN LAGU SHABAHAA?(14-Feb)

Ninkii noolow maxaa aragti kuu laaban!! jacaylku horta waa wax jira ruux inkiri kara ma jiro, oo nabigeenuba(scw) ca'isha(Rc) wuu jeclaa.

Hadaba jacaylka eebe sheegay waa kuma ayaa taala goormuuse iradaha furta oo shacniyo nuur lamaanaha korkeeda ka soo saara? Hadaan lays arbushayn ilaaqna aan loo durbaan tumanayn waa jacaylka unkama marka lamaanuhu meher xalaala oo alle iyo waaladiintu ogyihiin ay faraqa isku xidhaan ayna aqal galaana iyagoon isku raacayn waraaqo lacageed(Do not love me a paper) oo biriba idlaanaysa ama dabayliba la duulayso, laaakiin diinta alle la isku raacayo iyadoo dabeecada iyo kartida qof ahaaneed la is dhuganayo.

Dadku waa is caashaqi karaan(KA HELIS AGUUMAN) dookhaana ka adeega wixii ka dambeeya hadaan dariiqa alle lagu habin KA HELISTAASIYO DOOKHA DARBAN waxaa imaanaya dareen shaydaan sadex ku yahay oo aafo badan aakhirona waynu ognahay dadka shaydaan la shuraakobo ee uu duufsado halkay ka dhex jalabuuteen doonaa iyagoo nololiyo geeri midna ahayn ku sugan cadaab ah..

Allow cadaab baanu kaa magan galnay..

Anigu shiikh ma ihi suufina ma ihi iyo seef la boodna ma ihi. Lakiin waxaan heego ugu maray idiina aad ka dharagsan tihiin waxaan la leeyahay waa maalinta iyo habeenka jacaylka inay tahay sheeko iyo shuqul gaalo faransiis ah taasna ay diinteenu xarimtay; sheeko faransiiskaas xun ee alle ka kufriyay in lagu daydo waa wax caqliga alle adeecay iyo rasuulkiisii udgoona(scw) ka fogaado..

Jacaylku bil maaha, Oo Joogeed maalin maaha, Oo daqiiqadiyo seken maahaa mid la xasuusto ama la xuso qofka ku xalaalsha ah, waayo waa mid aan ka ba goayn xiskiyo maanka oo qalbigana ku xafidan....

Qormaada ila tagtaye waxaan ku soo gabo gabeenaya alle xaqa ha inagu sugo allena ha ina hanuuniyo..

Waxaana idiinku jalbeebaya tixdan gaaban aan kaga hadlayo sheeko faransiiskaas jacaylka lagu sheegay shanta inaynu kala baxno inay tahay sharci diinteenuna shuuftay... dhugasho wacan

¤Shaacada aduunyo waaa ayaamiyo, Waxaan ka shishayne

¤Cidna sheelkeeda kuma waarayso, Horaa loo sheegaye

¤Waxaad shabaabnimo quruxiyo xoog, Baryo la shoocido

¤Mar baad sheyb noqon doontaa, Shacniyo shaqo gabiye

¤Oo lagugu shamiintayn doonaa, Shawli qabriyeede

¤Waxba yaanay aakhiro ka shuquulin, Waa shamso dhacayse

¤Aftaas shadkiyo madka gabay, iyo wacdi shiilan dheh

¤Midkii aan idiin shakaali jiray iyo, Xikmad shaacir dheh

¤Shifiyo sharaf ma laha waxay diinteenu, Shuuftaaye

¤Jacaylkii haduu Shuqul reer galbeediyo, Sheeko falantiin noqday

¤Ama shay si yar loo shushubana haayoo, Shiiqmiyaba biri

¤Ama Mid sidii Ferenji loo shaxayoo, Shaanshaan ka ridaya

¤Waa shar shaaximanoo shiqaaqiyo, Shuush badane

¤Waa xubi shaydaan sedex ku yahoo, Shidiyo hoog badane

¤Waa midaan shacni guur lahayn oo, Shaal la wada huwanayne

¤Waxaan sharafi kaa raacaynin, Sheedaa laga dhaafaye

¤Inaad shanta kala baxadan cabdow, Saw mid sharciya maaha?
WT: Maanmaal Buureed Gurxan

13 Feb 2014

POLITICAL RELATIONS(China and Somalia)-- Economist Garaad Bashir Adan wali

China and Somalia established diplomatic relations on December 14, 1960. From 1960 to 1990, bilateral ties between the two countries had witnessed a smooth and steady advancement.

In 1970 and 1971, Somalia, together with some other countries, submitted the motion to the General Assembly of the United Nations (UN) on restoring the legitimate seat of China in the UN, and made active contributions to the restoration of the legitimate seat of the People's Republic of China in the world body.

During the period from 1960 to1990, many Somalia leading officials visited China. They were Prime Minister Abdirashid Ali Shermarke (August 1963), President Aden Abdullah Osman (July 1965), President Mohamed Siad Barre (May 1972, April 1978), the third Vice President Ismail Ali Abucar, (June 1977),

First Vice President and Defense Minister Mohamed Ali Samater (May 1979), Foreign Minister Abdurahman Jama Barre (April 1979, December 1984), Second Vice President Hussein Kulmie Afrah (April 1982). There were also many Chinese leaders who visited Somalia. They were Premier Zhou Enlai, (February 1964, accompanied by Vice Premier Chen Yi), Vice Premier Chen Muhua (July, 1978), Vice Premier Geng Biao, (November 1978), Vice Foreign Minister He Ying (October 1979), and Yang Jingren, Vice Chairman of the Chinese People's Political Consultative Conference (October 1984), President Li Xiannian (March, 1986), etc.

In 1991 when the Siad government was overthrown, Somalia was bogged down into a separatist situation with the coexistence of several warlord regimes. Although the Chinese Embassy, medical team and relevant experts left Somalia in January 1991, the two countries have still maintained diplomatic relations. Ever since the outbreak of the Somalia civil war, the Chinese Government has been closely concerned about the situation in Somalia, and has backed all efforts made by the international community and other regional organizations to settle the Somalia issue in a peaceful manner.

China has consistently taken an active part in the discussions of the Somalia issue within the UN and provided Somalia for many times humanitarian assistance, such as medicines, disaster relief materials, etc. Since January 2003, China has begun to act as the UN Security Council coordinator on the Somalia issue. 2. Economic and trade relations and economic and technical cooperation Since 1963, China has provided Somalia with various kinds of economic assistance. The main projects China has accomplished in Somalia are: National Theatre, the Hargeisa water supply project, Somalia Cigarette Manufactory, Somalia Banadir Hospital, Somalia Stadium, road between Beled Weyne and Burao, Barrouen Farm, Fanole Farm and a hydro-power station, etc.

China started to contract projects and labor cooperation in Somalia since 1982. From the year 1963 to 1980, trade between the two countries was conducted by means of keeping accounts and later changed to cash transaction. China's exports to Somalia are main light industrial products, textile, medicine, hardware and small-sized machinery, and main imports from Somali are myrrh, frankincense and leather, etc. In 2002, the total trade volume between the two countries amounted to US$3.39 million, of which China's export was US$1.83 million and import US$1.56 million.

The economic and trade agreements signed by the governments of China and Somalia
were:

¤The Agreement between the Government of the People's Republic of China and the Government of the Republic of Somalia on Economic and Technological Cooperation (1963 and 1978)

¤The Agreement between the Government of the People's Republic of China and the Government of the Republic of Somalia on Trade and Payment (1963)

¤The Agreement between the Government of the People's Republic of China and the Government of the Somalia Democratic Republic on Trade and Payment (1980).

Exchange and cooperation in fields of culture, education, health and the military China and Somalia had kept frequent and active cultural exchanges before 1991.

China once dispatched sports coaches to Somalia. The two countries signed the agreements on cultural cooperation in 1963 and 1983 respectively. The cooperation in the field of health between the two countries started from 1965, and China sent its first 10-member medical team to Somalia in the same year. Up to the very beginning of the Somalia civil war in 1991, there were altogether 19 Chinese medical workers in Somalia.

Before the outbreak of the Somalia civil war, the two countries had maintained friendly military relations. There were exchanges of visits to each other by military leaders from both countries, among which were Lieutenant General Mohamed Ali of Defense Minister of Somalia in May 1979,

Major General Aden Abdullahi Nur in 1988, and Liu Kai, Assistant Chief of General Staff of the Chinese People's Liberation Army (PLA) in April 1980. 4. Important agreement and document The Joint Communiqué on the Establishment of Diplomatic Relations between the People's Republic of China and the Republicof Somalia.( Dec. 14 1960)

Garaad Bashiir Adan wali Garaad Jaamac(Kampala International University In uganda).......

12 Feb 2014

TIMO-HALDHAALEY

Muga moolalka suugaanta soomaaliyeed waa mid qoto dheer oo ka soo maaxda afsoomaliga oo ah mid aad u fac weyn.
Heestu waa qayb/farac/laan ka mida laamaha maansada soomaaliyeed ugu qadiimsan.

Waxaa dhici jirtay qarnigii 18aad iyo badhtimihii 19aad halabuuradii berigaa joogay inay ka faani jireen oo ay ka hawoon jireen tirinta heesaha oo waxay qaarkood tirin jireen markay gaaf isku yimaadaan.

Hadaba markii fankii soomaaligu unkamay sanadihii ka dambeeyey 1940kii ayey heesuhu hanaqaadeen oo ay soo baxeen halabuuro iyo heelomaalo hore leh una darban curinta heesaha iyagoo qaarkood weliba saarayaan laxanka ka dibna u dhiibayaan Hobol/fanaan si macaan ugu luuqeeya.

Casrigan aynu joognana waxaaba odhan karnaa heesuhu waaba kuwa ugu curin badan suugaanta soomaaliyeed taasoo keentay inay la jaanqaadaaan qalabka casriga ee wata danankiyo bulxamaha reema iyo buum codka aad moodo ee ruxaya rubadiyo laabta.

Halabuurka bahweynta maansada muqaysan karaya kuma maygaago heesaha kaliya ee qaybaha maansada marba mid buu ku rakibta isagoo dadka ugu soo gudbinaya dareenka ka dhex hungmaya yalanyalxadiisa si loola wadaago ileen waxaad qarsataa wey ku qarsadaane.

Bogan weliba qaybtiisa heesaha qoran ah waxaan idiinku soo gubinayaa heeso qoran aanse dhamaystirnayn oo aan afqabtay, waxaana usoo wada dhigi waxaa hada soo baxay budhcad suugaaneed holan qaba oo bogiyo maanku madawyahay oo meeris halabuur curiyey inay quutaan mooyaane iyagu aanay qumaysan karayn.

Dhammaan asxaabta booqata bogaygan waad mahadsan tihiin, Fikiriyo Wixii taliyo tusaale ah ba waad ila wadaagi kartaan.....

"Ala yaa timohaldhaleyey
"Baryo talexiyo jiidali,
"Dalxiis kula tamashleyoo,
"Intuu taash kuu xidho,
"Daallo aroos kaga tuma

WT: ‪#‎Maanmaal‬ Buureed Gurxan

CUUDKA MURTIDA

√"Caynba cayn kale baa lagu kobciyaa,
√"Cindiga cibaado baa lagu kobciyaa,
√"Cisiga ceeb li,i baa lagu kobciyaa,
√"Caqliga cilmi baa lagu kobciyaa, √"Caashaqa kalsooni baa lagu kobciyaa,
√"Cuudka murtidana curin baa lagu kobciyaa!! ....

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

HOOY DHALINYAROOY

"Hooy hooy dhalinyarooy,
"Hadaad habeniyo maalin,
"Hasaawaha ku hidisaaan,
"Huuhaa iyo been hingilan,
"Hadimiyo qiyaano huwan,
"Hodaya midki daacadsan,
"Hoheey hoheey waligiin,
"Hagaag usocon maysaan,
"Helinka tosan qadi maysan,
"Hiil eebe ka heli maysaan,
"Haybad yeelan maysaan,
"Hoheey hoheey waligiin,
"Hadafka Guusha hanan maysaan,
"Halahad ku hamiyeyseen,
"Halna ka gadhi maysaan,

WT: ‪Maanmaal Buureed Gurxan‬

♡AMRAN♡

"Ninba hablaha inantu ka calmaduu, Xuralceyntii adduunka ku sheegayee

√"Amranse ruux aan aqoonin, Baa yiraaha odhaahda qaarkeede

√"Waa geenyo Ilwaadiyo nuuriyo, Qurux eebe udhameeyeye

√"Waa haldhaa ruuxi arkaa, Indhaha ka laabi karayne

√"Waa indhodeeroley udugiyo ubaxa, Ka udgoon badane

√"Waa boqorad edaabiyo dhaqaniyo, Asluub wacane

√"Waa maan deeqa Akhlaaq suuban, Illaah sad usiiyeye

√"Waa darmaan aqooniyo cilmiyo, Diin lagu so ababiyeye

"Waa dahabo aabiyo hooyadii dhashay, Abid loo duceyaaye

√"Barbaartiyo hablaha imika kacay, kala aayo fiicane

"Waa cawiyo ayaan roon, Aynigeed laga xushaaye

√"Waa raaliyo ubadiyo reeriyo, Nafta lagu amaani karaye

"Agteeda dhib eebe ha ka dheereye, Mid la igu dheehay weeyaan

"Eebahay ha xafidee unugyada jidhkayga, Mid ku abuuran weeyaan

"Eebahay ha ciseeye axdigiyo balanta, Mid ku adkag weeyaan

"Afka jacayl laga ma sheegte oonka xubiga, Mid ila qabta weeyaane

√"Illaah ha isku kayo calfee Adduunka, taan ugu jecelahay weeyaane

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

GEENYOOYIN XAYAATO LEH

√"Xasanow Xaawaleyda soomaliyeed waa, Wada xaruuriye

√"Waa xamdiyo xafsoo miidhan oo, Xubi lala wadaagaaye

√"Waa wada cambe xarakaadayo, Xalwada ka macaane

√"Waa Xuralceyno nuriyo udgoon badanoo, Xaakim dhawraye

√"Waa darmaano xadka diintiyo, Xeerkena lagu so canqariyeye

√"Waa darmaano xijaaban oo, Xishoodiyo dhaqankena huwane

√"Waa geenyooyin xayaato leh oo, Guur loo xushaaye

√"Xag kastoo aad ka eegto waa, Hablo xariira oo qumane

√"Xaashaa lilaah inaan dumar kale, Xubiyo xiiso u qaadaye.......

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

JIBO

"Inta isu soo jalalamaysiyo
"Inta isa soo jaleecaysiyo
"Inta isu soo jirfanaysiyo
"Inta jawaalka isu soo dirsanaysaba

"Inta jimcihii kulantayee
"Cawa wada joogtee
"Qorshayaal isla jeexjeexayse
"Is jikaraaraynin baa dhaanta

"Inta isu soo jeesatiyo
"Inta isu soo jookhaysiyo
"Inta isa soo jamanaysiyo
"Inta Dookhu isu soo jiidayba

"Inta jimcihi jalbaabtay iyo
"Inta Sanadkii hore is jeclatayee
"Jaal wada noqdayee
"Cawa jabad wada dagan
"Jalaqsaneey baa dhaanta

"Inta isu soo jiboonaysee
"Facebookga ku jameecawdayee
"Heeliyo jacbur jadiidiyo
"Jiiftada isu jiibinaysa

"Inta jiidali sanaagiyo Shaxda
"Jaandheerta ka tumanaysee
"Jiibtiyo jaanta isla haysee
"Wada jalaabuteenaysaa
"Jaamacow saaxiib dhaanta.........

continueeeee

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

CODKAAGA GAABSO

√"Gabal dumay coomaduhu marku, cirarkaa meerayo

√"Halaqa ciida jiifsadiyo, Goodkii cawaynaayey

√"Cabaadkiisa goortay maqlaan bay, Cagta jeedshaane

√"Adiguna sida cantalyagaad, Cawa u ciyeysaaye

√"Ceebaad uga dhici ragaad, Car leedahaye

√"Coofle aariyo bahal laga cabsoodo, Waa laga cararaaye

√"Codka gaabso cabdow Yaan, Cawdaada la goyne..................

WT: ‪Maanmaal Buureed Gurxan

MADAAHIIBTA AFKAARTA CILMIGA DHAQAALAHA

Dhaqaalaha Madhabka Classicism

Dhammaadkiii qarnigi 18aad iyo bilawgi qarnigii 19aad ayaa waxa aad uso ifbaxay in kacdoonkii warshadeed ee yurub ka jiray , iyo in lasoo saaray alaado ka shaqo wanagsan aadmaha , sida gawaarida lagu falo beeraha iyo warshadaha aladeed , taasna sababtay ine dhacaan shaqo la’aan baahsan oo ku habsatay dadki ka shaqeenjiray hawlaha ay la wareegen alaadahaas .

Sas darteed culumadi cilmiga dhaqaalah oo xiliga doonayay ine saxaan nadariyaadkii dhaqaalo ee wagi hore jiray , iskuso wada dubow Classic School waxa ay eheed dhaqaaq looga gudbayay suuradi qadiimka eheed ee cilmiga dhaqalaah iyo hir galinta dhaqdhaqaaqa fardiga ah ( maslaxada fardiga )ee Liberalism ka loo yaqaan , ayado laguso koobayay cilmiga dhaqalaha , taxliilka looyaqaan( Microanalysis).

Saameynta ee sameesay iskoolkii classicism :-

1. soo ifbixida dabaaqaadka bulsho ( dabaqada hoose , dhaxe , sare )

2. Dhaqaalaha kala iibsiga aadamaha oo noqday il dhaqaalo oo la ictimaado

3. faragalinta dawlada oo lagu soo koobay ilaalinta malkiyada afraada qura .

Waxa hogaaminayay iskoolkaas raga caan ku ah cilmiga dhaqaalaha sida Adam Smith iyo Tomas maltose iyo David Ricardo iyo John Stu-red mill

Mad-habka Neoclassicism

Iyadoo ay sii fideeyso afkaarta Marxism ka ( maraakisiyada ) oo lid ku ah fikirka capitalism ka ayaa waxa soo ifbaxay waxa lo yaqaan madhabka neoclassicism .

Hadaba waa maxay neoclassicism ? Waa qeyb ka mid ah musaslada horimarineed oo ay wadeen culumadii dhaqaalo ee qarnigii 19aad , waxeyna ka duuleysan awooda fardiyeed ee lo yaqan (Liberalism) waxa ay eheed muhimada madhabka neoclassicism in ay hormariso madhabki classicism ee ka horeyay.

Waxyaabaha ay so bandhigtay madhabka neoclassicism aya aha:-

1. Isticmaalka xisaabaata kolka lagu guda jira taxliilka dhaqaalo , sida law of supply iyo law of demand iyo qawaaninta xisaabeed oo lamidka ah .

2. Soo biirida fikrada la dhaho (Marginal ) ama xadiga sare

3. Isticmaalka fikrada manfacada ( Utility ) mid xadideesa iibsiga badeecooinka sadaxaas afkaar aya ugu waaweyna waxyabaha ay soo biirisay madhabka neoclassicism . Waxa jira dhawr iskool oo ka farcamay madhabka neoclassicism oo kala ah

1. Iskoolka xisaabta : oo caan ku ah isticmaalka xisaabaha iyo soosarida qaanuuno kala duwan oo ku dhisan qaab xisaabeed.

2. Madarasda Austria : oo caan ku eheed ine ahmiyada siiso nafsiyada qofka kolka ay daraasnayso muuqaalka isbadalka dhaqaalo , waxeyn ku caan baxday magaca ah (Psychological direction).

3. Madarasada Cambridge : waxa ay ku can baxday isku aruurinta dhamaan afkaarta dhaqaalo ee labada madhab iyo is waafajintooda .

3. Madhabka Keynes (Keynesian Revolution) :- 30 meeyadi qarniga 20aad , aya waxa culumada dhaqaalo ay muhiimada siin jiray taxliilka juz’iga ah (Microanalysis), waxeyna aaminsanaayen in shaqa siinta buuxdo (Full employment) ay tahay wadci joogta , islamarkaana waxsoosaarka qoomiga (GNP) uu ahaanaya mid fadhiya oo is badbadlin , aragtidaasoo ku koobneed taxliilka loo yaqaan (Microanalysis) .

Aragtidaas aya waxa ay sababtay ine dhacaan dhacdo dhaqaalo oo weyn taasoo lamagac baxday (Great depression) ama fadhiid dhaqaalo lagu dhihi karo afka soomaaliga , waxey sababtay in uu soo if baxo nin la dhaho John Maynard Keynes oo ah caalim dhaqaalo oo udhashay dalka ingriiska , asagoo qoray kitaab la dhaho ” The General Theory of employment , interest and money ” kitaabkaan oo wax weyn ka badalay habsami usocodki cilmiga dhaqaalo , oo soo ifbixiyay waxa loo yaqaan (Macroeconomic) dhaqaalaha guud .

Haddaba Kacdoonka Keynes maxa uu ku saabsana ?, Waxa u sabab ahaa:

1. Burburinta afkaarti ku dhisneed taxiilka yaraa (Microanalysis)

2. Shaqo la’aanta iyo waxsoo saarka guud ine yihin kuwa isbadbadla oo aan ku nagaan hal meel , taaso ka duwan aragtidi culumadi hore .

3. Fara galinta dawlada ee xaga dhaqdhaqaqa dhaqaalo oo kor u qaadmay , xaga ay ka ahan jirtay mid ilaalisa hantida gaar ahaaned qura .

4. Taxliilka maaliyadeed oo noqday mid awood ku leh taxaaliisha cilmiga dhaqaalo

5. Soo ifbixida mawaadiic cusub oo aad muhiim u ah sida wax soosaarka guud, dakhliga guud, iyo waxsoosaarka maxliga guud. GNP , GDP , NNP .

Kacdoona Keynes ayaa wax weyn ka badalay cilmiga dhaqaalaha asago leexiyay habsi usocodkii cilmiga dhaqaalaha, kaso cilmiga dhaqalaha haatan loo qeebiyo laba qeeybood oo muhiim ah Microeconomic & Macroeconomic .

Tixraaca(Reference)

1: History of Economic Thought

Economist: Maanmaal Buureed Gurxan

11 Feb 2014

QUUDHSIYO QABYAALAD

Waa meerisyo ka mida gabaygii Quudhsiyo Qabyaalad

√"Soomaalay Qiila wa qaala buu, Qorsheheenuba yahaye

√"Qoyskaagu kayga ma geyo bey, Qoonteenuba tahaye

√"Quudhsigiyo qabyaaladu waa, Waxa qaribay dalkeeniiye

√"Ayaan qudha miyaan laga waantobeyn, Qulubtey quluubteniye

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

10 Feb 2014

INAAN MUSLIMO WAXA USABAB AHA WIIL YAROO BAALASHLE AH

Ninka mid ah Raggii ugu Caansanaa Mad-habta Katholica, oo Faafinjiray Diinta Christianka, si weyna loo yaqaan, Dhalashadiisuna tahay British, ayaa Islaamka qaatay.

Waxaana sabab u ahaa inuu Diinta Islaamka soo Galo, Wiil yar oo Muslim ah, wuxuuna Wiilkan yar ku Bartey Goob Ramsiis la yiraahdo oo ku taala Dalka Masar, Magaalada Qaahira mar uu Booqasho ku tagey.

Ninkaan Wuxuu Hadalkiisa ku bilaabay:- "Wiilkan yar ayaa Sabab ii ahaa inaan Diinta Islaamka Barto, oo aan soo Galo. Waloow uusan Maqlin inaan Muslim noqdey, balse Ilaaheey ayaa Maalinta Qiyaame ka Abaal marin doona.

Tan iyo markaan Bartay Wiilkaas yar oo Kabaha ii Masaxi jirey, intii aan joogay Magaalada Qaahira waxaan Dareemay Wanaagga uu Islaamku leeyahay iyo Nimcada, waloow uu ahaa Baalashle hadana goor walbaa waxaa uu igu Dhihi jirey Al Xamdulilaah iyo Assalaamu Caleykum.

Waxaan Ogaadey Diinta Islaamku iney tahay Xaqiiqdii mid ka Fog Borobagandada ay Reer Galbeedku ku hayaan Diinta Islaamka iyo Dacaayadaha Bareerka ah. Haddaba, Markuu Muslimay wuxuu Doortey inuu la baxo Magaca ah (Idris Towfiiq) wuxuuna Qorey Buugga la yiraahdo (Ask about Islam).

Hooyadiis waa Islaan Waayeel ah, waxay Tagtaa Kaniisadda maalmaha Axada, wuxuu yiri:- Subax walba oo Axad ah markey Tageyso Kaniisada waxaan siiyaa oo Gacanta ka saaraa Buugga (Ask About Islam) wax Dhibaato ahna kalama aan Kulmin Familygayga markaan Diinta Islmaaka soo galay, Allaahna Had iyo Jeer waan u Baryaa Familygayga in ilaaheey soo Hanuuniyo, Dariiqa Xaqqa ahna uu u Ifiyo.

"Allaha diinta xaqa na waafijiyow, Adigaanu kugu xamdinaynaa

QAAFIYADA LAMAAN:- MAANSO (CUDHAADH)

Kobcinta iyo korinta maansada soomaaliyeed waa mid dharaarba dharaarta ka dambaysa la soo la soo baxaysa ilo hor leh oo ka awdnaa suugaanta qoomiyada afka soomaaliga ku hadasha.

Murtimaaladii soomaaliyeed ee qarnigii Raage Ugaas waxay si baaxadle oo dihan umadooda ugu maaleen Buuniga suugaanta ama aan dhehee boqorka suugaanta waa gabaygee.

Xiligaas oo dadku ku dhaqnaa baadiyaha xaga afkiyo dhaqankana ay hodan ka ahaayeen waxay halabuuradu ku wada maansoon jireen gabayga, waana  yaraa maansoyahan aan gole fuul ahayn.

Qarnigaa wixii ka dambeeyey ayey hano qaaday maansadu iyadoo halabuuro qalinley ah iyo qaar aan waxba qorinba ay uhub gurteen bal inay maansada ilaheeda kale daahfuranaa si loo helo habab kale oo loo curin karo iyadoo hanankii hoorinta suugaanta soomaaliyeed lagu fadhiisinayo haday tahay qaafiyad iyo ruqub xikmadeedkay lahayd.

Waxaan qormooyin badan oo aan idiinku soo gudbin doonaa maanso labo qaafiyadley ah.. Taasoo ah qaafiyadii suugaantii soomaaliyeed oo lagu daray qaafiyadii hawraarta carabiga..

Maansadan bal aan idiin ku ma'akubo, Meeris kastaa wuxuu ka bilaabmayaa xarafka Xa'da ah wuxuuna ku dhamaanaya sida suugaanta carbeed Xarafka Dha'da ah... Ka Bogasho wacan

"Xilka mood hadh
"Xeerka ka baydh
"Xaqiiqda dahaadh
"Xumaha fadhfaadh

"Xadhko ah xidhiidh
"Xogta siroon ku ladh
"Xukuumadana ku bidh
"Xaglo wada ah rabadh

"Xaajow taasi waa qadh
"Iyo Xukunka ku gaadh
"Xiskaga weeye kala badh
"Xadkaga weeye ka qadhaadh

"Xajow Xaabso weeye gaydh
"Xabadkaaga gelinaysa naadh
"Xubnahaga ku dhigaysa xaradh
"Xasanaadku ka yahay qanjidh
"Xildhibaanow kaa dhigaysa cudhaadh!

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

Eebaha Xakiimka Ah Baa Mahadle

JACAYL!!!!!

"Jacaylku dharaar hore
"Ruuxay dhaayahagu jaleeceen
"Ayuu kugu dheehaaye

"Hadduu kugu dhacana
"Dhuuxiyo dhiigu raacayoo
"Wadnahagu dhinac ka degaaa!!!!............

WT: ‪Maanmaal‬ Buureed Gurxan

QURAANKU WAA NOLOLIYO NUUR

HORDHAC

Bismi laahi, Eebeheena raxmaanka ah baa mahad oo dhan iska leh, Naxariis iyo nabad galyana Nabi Maxamed (SCW) korkiisa ha ahaato, Asxaabtii rumaysay oo raacdayna Rabiga waduudka ah haka raali noqodo. Qofkii muslim ah oo manhaajkaas/­dastuurkaas raacaana Dembi dhaaf allaha qafaarka ah u dembi dhaafo baan u rajaynaynaa maalinta weyn ee qiyaamaha ee naf kastaaba yanfariirkiyo yaabku hadheenayo

Eebeheena cadiimka ah wuxuu yiri: “Ilaahay wuxuu soo dajiay hadal kan ugu wanaagsan (waa kitaabka qur’aanka kariimkaaye) kitaabkaas isku eg eg xaga Kalimaadkiisa, macnaha quruxda badan iyo miizaanka uu xanbaarsanyahay, kitaabkaas oo Xikamad la soo laalaabanaya. Kuwa Ilaahay ka cabsanaya markay akhriyaan ama maqlaan waxaa jiriracoonaya jirkooda. Kadibna jirkooda iyo quluubtooduba waxay u jilcaysaa dikriga iyo xasuusta Alle. Taas waa calaamada lagu yaqaan hanuunka Eebe. Ilaahay subxaanahu watacaalaa ciduu doono buu hanuuniyaa. Qofkii Ilahay luminayo cid kale oo hanuunin karta ma jirto” Macnaha Aayada 23, Surada Az-Zumar.

Aayadaan waxaa Ilaahay soo dajiyay kadib markii ay Asxaabtu dhaheen Nabi allow noo sheekee ayagoo muujinayay markaas sida ay u jecleysteen Xikmada Nabiga (SCW).

Ilaahay subxaanahu watacaala oo tilmaamay sida caajiibka leh ee Nabigu asxaabta wax u bari jiray wuxuu yiri” waxaan idiin soo dirnay Rasuul idinku dul akhrinaya aayadaheena, oo quluubtiina iyo qalbigiinaba ka sifaynaya waxkasta oo xun, Rasuulkaas oo idin baraya Kitaabka qur’aankaa iyo xikmad -waa axaadiista Rasuulkee- wuxuuna idin barayaah shey weyn oo iinaan horay u ogayn” Macnaha Aayada 151, Surat Al-Baqarah.

UBUCDA WEEDH MURTIYEEDKAYGA

Walaalkayga iyo walaashayda soomaliyeedow inagoo wada garanayna qowlka eebe ee kariim ah waxaan jeclaan lahaa in aan maanta idiinku jalbeebo tix gaaban oo aan curiyey 23/janaayo/2014.

Tixdan oo iskugu jirta meersiyo duca ah iyo meerisyo idiin xasuusinaya sida Ilaahay nowgu naxariistay markii uu noo soodajiyay Qur’aanka kariimkaa oo Ilaahay ku tilamaay:-

1: Quraanku inuu nooleynayo ruuxdeena,

2: Quraanku inuu naga saarayo Mugdi noona saarayo Iftiin iyo aragti waasaca

3: Quraanku inuu naga korinayo Naar nana galinayo Janno, inuu noo hor seedayo Najaax aduunyo iyo Nicmo Akhiro intaba

Inagoo og allaha xakiimka siduu inoogu naxariistay markuu quraanka inoo soo dejiyey, ma koobi karno nimcooyinka ilaahay ina siiyey iyo faa idooyinka faraha badan ee ku jira akhrinta Qur’aanka kariimka, iyo sida qur’aanku u yahay dastuurka xaqa oo dhamays tiran oo qofkii fahma kuna dhaqmana nolashiisu toosayso dhankasta haday tahay: Qalbi, Qowl, Fikir iyo Ficil .

” Qof mayd ahaa oo aan nooleeynay, hadana aan u’samaynay nuur ku dhexsocdo dadka, ma wuxuu la mid yahay Qof ku jira mugdi uusan ka baxayn……” buu ku iyiri Alle aayada 122 ee Suurada Al-Ancam.

Maalikow adigaa nasri noogu deeqay iyo manhaj ifiyo aakhiraba aanu ku najaxayno eebow adigaan kugu mahdiyaynaa nimcadaad na siisay lama koobi karayeee....

Tixdii waa tan dheehasho wacan

"Quraanku waa siraadiyo nuuriyo, Nalkii qalbige

"Waa daawo xubintii naafowda, Lagu nooleeyaaye

"Waa duxiyo nafaqo imaanka, Lagu naaxiyaaye

"Waa dastuur naftii lagu hagaa ifiyo, Aakhoba najaxaysaaye

"Waa nidaam umadii lagu dhaqaa, Naflaha kale looguu saraysiniye

"Eebow nasri aad na siisayoo, Kugu xamdi naqayno weeyaane

"Eebow Kuwii nuxurka quraanka fahmoo ku dhaqma, Naga yeel

"Eebow kuwii cilmi nafcile bartoo, Kugu shugriya naga yeel

"Eebow kuwii sunaha nebiga(scw) ku taagne, Ilaaliya naga yeel

"Eebow kuwii xumaha nahiya ee samaha, Isfara naga yeel

"Eebow kuwii nudub qabyaaladeed ka nadiifoo, Naadifoon naga yeel

"Eebow kuwa naqsiyo nuunu xan, Carabkoodu naqishin naga yeel

"Eebow kuwa gaalka najiska la jihaadee, Diinta nooleeya naga yeel
"Eebow kuwii naarta laga xoreeye, Janada gala naga yeel

"Eebow ducadaaan nuunka gabaygiyo, Nasuusta ku dhigay

"Naasirow allahayow iga aqbal adigaa, Mujiib naxariis badan ahe Aamiin Aamiin By:

WT: Hal-Abuur Maanmaal Buureed Gurxan

Allow Xaqa Na Waafajiy oo, Weedhayada wanaaji

NUURIYO ILWAAD BADAN

"Ubax jeegani jiidhayoo,
"Nuuriyo ilwaad badanoo,
"Carfoonoo udgoon badan,
"Naftu ku ildoogsanayso,
"Hubaashii waa adigee...

"Idil cuddooneey inaabti,
"Saw dumarka oodhan,
"Aragsanaanta quruxdiyo,
"Ilwaadka far ma dheerid?!!!.......

WT: Maanmaal Gurxan

CUDDOON!!

¤Qofba dookhiisu waa cayn gaarahoo, Cajabiyo yaab lehe

¤Cabdow Hablahaa carabiyo cajami lehee, Caamkan kacay

¤Midba waa cuudiyo udug gooniya oo, Kala caraf roone

¤Cadiimkeenuna ma wada simin hadaan, La is cilaaqayne

¤Dabeecad cudoon, Cibaado suubaniyo, Camal wanaagsan

¤Cindi fiyowsan, Xubno cuduriyo, Macsiyi curyaamin

¤Laab culaniyo, Qalbi curdin aho, Caashaq taaban

¤Caqli taama, Cilmiyo quraan, Lagu soo canqariyey

¤Intaasoo cosoban inanta cirshiin ahee, Caadil ku ilhaameyey

¤Ee rabi cisiyo sharaf ugu daraye, Ceeb laga ilaashay

¤Ee Xijaabkiyo hidehena ku cimamate, Cawrala loo bixiyey

¤Miyaa caanyo qurxoon lala simi kara, Waa cawiyo filkeed ka roone?

WT: Maanmaal Buureed

8 Feb 2014

WAXA WAXBARASHADA LOOGU FOOGANYAHAY WAA FURIHII NOLOSHE!!

Maanmaal Buureed Gurxan:
"Caadil baa gargaar laga sugaa, "Cibaado baa Jano lagu galaa, "Caqli baa duni lagu gardaadshaa, "Cilmi baana darajo lagu gaadhaa

Cilmi baana darajo lagu gaadhaa, Haa waa run, Markasta oo la damco in la higsado hormar waxaa haboon in la isla qiro wadada kaliya ee lagu gaari karo hormarka loo hamuunka qabo in ay tahay waxbarasho oo kaliya , runtii faa’iidada ay waxbarashada u leedahay qofka bani aadamka ah ma ahan mid lagu soo koobi karo maqaal iyo wax la mid ah , sidoo kale waxaan si fudud u sharixi karnaa waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in ay tahay hormar dhinac maskaxda ah oo ah runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku heli karo. dhamaan noocyada kale ee hormarka waxaa sal iyo asaas u ah hormarka maskaxda. oo hadii la waayo ay aad u adkaan doonto in lagu riyoodo wax uun hormar ah . Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah , sidoo kale waxaan ognahay in dunida maanta ay u qaybsan tahay labo qayb oo waxkasta ku kala duwan , waana dunida hormartay iyo dunida danbaysa.

Xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay sidaas ayaa ah waxbarashada.. wadama aadka looga qadariyo waxbarashada waxay gaareen hormar la taaban karo, haday tahay dhanka koboca iyo horumarka dhaqaale(Economic Growth and Development), iyo Awooda qaranimo ahaaaneed.

Wadamadaas oo loo yaqaano wadamada horumaray (developed countries). Halka wadama aan laga danayn ama aan ahmiyad weyn la siinin waxbarashada ay yihiin kuwa aad u danbeeya marka dhinac kasta laga eego, kuwaas oo awood dhaqale lahayn, ayna ragaadiyeen cuduro, faqiirnimo, abaar taagana, deymo adduunku ku leyahay iyo dagaalo qabiili ah.

Hadaba sidaa si la mid ah si waxaa aad ku kala duwan dadka waxbarta iyo kuwa aan marna qiimayn waxbarashada. Dadka qiimeeya waxbarashada waxay leeyihiin awood tayeed taasoo u sahlaysa inay u furto albaab kastoo ay damcaan in ay galaan halka kuwa kale ay yihiin kuwo aan tayosiimo lahayn haday tahay in aanay lahayn tiir adagoo dhaqaale, taliyo go,aan yeelan kari inay cid ku tiirsanadaaan mooyaane, siddoo kalena ay yihiin kuwo dugsanaya dhaqamadii jaahiligee awoowayashood ka dhaxleen haday tahay qabiil qab loo yeelo(QABYAALAD/TREBISM).

Dhanka murtiyo suugaanta soomaaliyeed hadaan ku iftiimo tayo darada qofka aan tacliinta baran ama aan aqoon lahayn, waxaan soo qaaadanaya dhawr meeris oo ka mida gabay uu tiriyey Halabuur Maanmaal Buureed, gabaygaas wuxuu ku tilmaamayaa abwaanku qofkaan tubta toosan ee sunada qaadin, kaan talo san yeelan Karin, kaan wax tacban ama aan tashiilan, iyo kaan tacliin baran, shantaasba in aaney tacliin yeelan Karin tayo qof ahaaneed. Wuxuu yiri abwaanku:

"Ma tukade toosanta ma qaado, iyo tu Tawakalku faraye

"Ma tashade tayiisimo ma yeesho, taniyo waa hore

"Ma tabcade taajir ma noqdo, iyo ruux tiisa ku filane

"Ma tashiilste tuugmo kama baxo, iyo baahi taagan ahe

"Aftaasba tayo ma yeeshaan, iyo kaan tacliin baranayne

Arinta ugu wayn ee waxbarashada laga dhaxli karo ayaa ah sida aan sheegnay hormar dhinaca maskaxda ah oo ah furaha farxada nolosha , qofku wuxuu nolol sharaf ah oo farxad ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo .

Sidoo kale dal wuxuu hormari karaa oo kaliya marka ay jiraan dadkii hormarin lahaa, dadkuna waxba ma ay qaban karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen , waana taas sababta kaliya ee uu dalkeeni soomaliya uga bixi la’yahay burburka mudada ku dhow 20 ka sano .

Aqoondaridu ama jahliga ayaa ah cadowga ugu wayn ee uu qof yeelan karo inta uu noolyahay , jahligu wuxuuj qofka u diidaa markasta in uu ka fakaro waxa dantiisa ah , sidoo kale aqoon la’aantu waxay dadka dhaxalsiisa in ay garan kari waayaan siyaabaha fudud ee loo noolaan karo . markasta oo uu jahligu bato waxaa aad u adkaada nolosha, sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlo aqoon la;aanta waxa ugu daran in dhamaan dadku ay ku mashquulaan wax aan marnaba dan ugu jirin, sida in lagu xiiqo wax aan la fahamsanayn. Hadii aad u kuur gashid dhamaan dalalka gaaray hormar la taaban koro , waxaa kuu soo baxaya in ay waqti iyo hanti badan galiyeen sidii ay wax ku baran lahaayeen , tusaale ahaan dalkan aan ku noolnahay ee Kenya waxay dadkiisu aad u qadariyaan aqoonta , waana taas sababta ay Kenya u noqotay dalka ugu hormarsan dalalka geeska Afrika ku yaal .

Dad badan ayaa aaminsan in sababta ugu wayn ee ay soomaliya u burburtay ay tahay aqoon dari ku habsatay dadka intiisa badan , waana dood gar ah oo xaqiiqda u dhow marka aad fiirisid taariikhda dalalkii soo maray burburka.

Mararka qaar waxaa dhici karta in colaado sokeeye ay si kadis ah dal uga qarxaan , balse aqoon la’aanta ayaa keenaysa in nolosha burburka loo arko in ay tahay wax iska caadi ah oo la iskaga sii jiri karo intii la rabo , waana sida haysata dalkeena soomaliya oo ah runti dal aad u qiimo badan marka la fiiriyo qayraadkiisa dabiiciga ah .

Waxaan kaloo dhihi karnaa hormarka ugu muhiimsan ee uu qofku ka dhaxli karo waxbarashada ayaa ah xoriyad xaga maskaxda ah, qof kasta oo aqoon leh waxuu sameen karaa fakar uu u madax banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidatouu ku tiirsanyahay marwalba fakarka ama aragtida dadka kale.

Sidoo kale qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad hormarin karta nolosha dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed .

Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisa kalsooni buuxda , kasloonidana waxay qofka u fududaysaa in uu si hagaagsan u guto waajibaadka ka saaran nolosha, sidoo kale aqoon la’aantu waxay ku beertaa nafsada qofka in uu ka baqo wax kasta oo ku cusub noloshiisa, taaso mararka qaar laga yaabo in uu kala horyimaado waxkasta oo hormar keeni kara diidmo iyo baqdin is barkan .

Fariinta ugu wayn ee ay aqoontu xanbaarsan tahay ayaa ah isbadel dhinac kasta ah oo taabanaya qaabka loo noolyahay markaas . markasta oo ay aqoontu kororto waxaa badanaya isbadalka xaga nolosha ah. Markasta oo uu isbadel jiro waxaa fududaanaya in la hormaro .

Waxbarashadu ayaa ah hanitida kaliya ee ay dhalinyardu dhaxli karaan si ay u sii hormariyaan nolosha markaas lagu sugan yahay , hadii ay dhalinyaradu dhaxlaan jahli ama aqoon daro waxaa mugdi aad u wayn galaya mustaqbalka dalka , waana taas sababta markasta dunida looga digo in dhalinyaradu ay aqoon la’aan noqdaan ,balse dhalinyarada soomaaliyeed waxay dhaxleen jahli daran oo sababay in mustaqbalkooda uu mugdi galo.

Dhalinyarada soomaaliyeed waa aayihii iyo lafdhabarti umada soomaaliyed waxaan loga baahan yahay inay fadhiga ka kacaan una dareeraan ama qaadan tubta horumarka iyo iftiinka lehe ee adduunyada iyo aakhiraba ka yeelaysa dhalinyaro guulaysata oo dadkoodana u horseedaa barwaaqiyo bardhaaadh. Dhainyaradu waxaan kula talinayaa

1. Inay siduu eebe faray raacaan kuna toosnadaana dariiqii uu rasuulkeenu(SCW)

2. Inay ku dadaalaaan siday nafahooda uga dhigi lahaayeen kuwo cilmiga iyo barshada diinta taabaca

3. Inay ahaadaan kuwo hidiyo dhaqankooda ku adkaada wixii aanay diinteenu diidanayn.

Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkan dhawrkan meeris eek u jiray gabay uu tiriyey Halabuur Cabdirisaaq Maanmaal Buured:

"Turubiyo khamaar ruuxa taabacaye, tuko laga waayey

"Taqwo seeg inuu yahay, waa tu'aan muran lahayne

"Toobiyo xijaab gabadha tuurtayee, tafaha qaawisay

"Tayo guur inaan loo xulanaynin, waa tu’aan muran lahayne

"Tacaliiniyo aqoon ninka ka tagaye, shaqo lagu tuhmeynin

"Timaadada inuu tuugsan doono, wa tu'aan muran lahayne

"Ku taama tacliintiyo aqoonta waa, tiirka noloshee.....

Allow Xaqa Na Waafaji