29 Apr 2014

WALAALIHII HESHIIN WAAYEY(Sheeko Gaaban)

Beri baa waxaa jiray degmo ballaaran oo ka koobneyd rag walaalo ah. Ragga nin wuxuu ahaa nin aqoonta diinta ku xeel dheer, midi wuxuu ahaa geesi, midi wuxuu ahaa nin wiilal badan leh, midi wuxuu ahaa deeqsi, midi wuxuu ahaa maalqabeen, midina wuxuu ahaa nin caqli badan.

Waxay walaalihii isku qabteen taladii reerka iyo kii noqon lahaa hoggaamiyaha beesha, sidaan bayna u doodeen: -

Wadaadkii: waxaan ahay nin aqoon diimeed leh, garanaayana xaqa iyo xaqdarradee ha la ii daayo talada.

Geesigii: waxaan ahay ninka loogu soo dhici waayay beesha, halyeynimadayda baana ku nagidihiine ha la ii daayo talada reerka.

Deeqsigii: dadka aan nahay xidid, xasabo iyo xigaalba deeqdayda bay beeshu kula dhaqan tahaye talada ha la ii daayo.

M/qabeenkii: anigu waad ogtihiin oo hantiilaan ahay, kurtiinna waan idin ka xoolo badnahay, xoolo la’aanna cid lama hoggaamin karee talada ha la ii daayo.

Caaqilkii: anigu waad ogtihiin oo nin garaad fiican leh baan ahay, dunidaanna sideedaba garaad weyn bay ku fadhidaa, nimaan garaad badneynna looma uumin in hoggaamiye noqdo ee talada ha la ii daayo.

Laandheerihii: waad ogtihiin oo rag xoog leh baa ii jooga, dunidaanna ninkaan tiro sheegan taladiisu ma meelmarto ee talada ha la ii daayo.

Waxay doodaanba waa ismari waayeen. Caaqilkii baa wuxuu soo jeediyay mar haddaan taladii ku heshiin weynay aan u tagno dad waxgarad ah oo noo garsoora. Sidii baana la isku afgartay.

Walaalihii waa isa soo raaceen waxayna u yimaadeen degmo lagu maleenayay rag waxgarada. Markay soo hoyaadeen oo la sooray baa loo sheegay in waaberigii waxgaradkii u imaanayaan.

Aroortii hore baa rag u yimid. Waxay ku yiraahdeen nimanyahow; waxaa dhawaan noo imaanaya raxan libaaxyo ah, waxaana degmada dhaqan u noqotay in subax walba qof geedkaas loogu xiro. Haddaan saas la yeelinna degmadoo dhan bay baabi’inayaan. Waxaan idin ka rabnaa inaad nin libaaxyada loo xiro u soo saartaan.

Walaalihii waxaa ku dhacay amakaag iyo waxaan la filayn. Wax lagu hadlo ayaa la garan waayey.

Caaqilkii baa yiri raggii degmadow iska taga annagaa qof u soo saareynnee. Markay ka tageen, baa libaaxyadiina soo muuqdeen. Walaalihii geedkii qofka loogu xiri jiray bay yimaadeen.

Markaasaa caaqilkii yiri: geesi walaalaheen mid ma xiri karnee na difaac.

Geesigii wuxuu yiri; sidee u difaacaa intaas oo libaax, xaggeese ka keenaa hubka aan ku difaacayo?

Caaqilkii baa haddana yiri; deeqsi kaasho waxtarkaagiiyo na difaac.

Deeqsigii Wuxuu ku jawaabay; maxay deeqi ka taraysaa bahalladaan dad-qaadka ah?

Caaqilkii baa yiri; war haye maalqabeen hantidaada badan nagu difaac.

M/Qabeenkii Suu yidhi; walaaow hanti maxay saacaddaan ka tari kartaa bahalladaan? Oo bariirtii cabsida wajiga la kaduuday.

Caaqilkii baa haddana yiri; laandheere adiga iyo wiilashaada badan na difaaca maanta,

Laandheerihii wuxuu ku yiri: wiilashayda iyo aniguba waa ku jariiracoonnaa libaaxa, haddana walaalow meesha maba taagnaan karo oo ismajiiray.

Caaqilkii wuxuu ku jeestay shiikhii oo yiri; war adaa diin badan yaqaane, quraan nooga akhri bahallada.

Wadaadkii suu yeh: alamtara iyo watiinba ku akhriyay soona dhaaf oo ismajiiray.

Caaqilkii baa yiri; haddaba ka durka geedkoo bal waxaan sameeyo arka.

Raxantii oo markaas soo istaagtay buu u yimid.

Caaqilkiina wuxuu ku yiri: nimankaas meesha taagan baan mid idiin xireynnaa, waxaase ninka aan idiin xireynno jirkiisa ka md ah cad, kiinnii cunaa uu ku waarahayo oo uusan waligii dhimaneyn ee giddigiin idin kuma filnee midkee u daysaneysaan?

Gooshii baa soo boodday oo tiri anaa dir libaax u qaraabee waa aniga, saa aarkiibaa il iyo goonkeed fujiyay, markaasaa intii kalana labo labo isu qabsadeen. Intay bahalladii isheysteen baa caaqilkii walaalihii u yeeray oo yiri intay isku jeedaan warmeeya. Sidii baa la yeelay bahalladiina dhammaan halkii baa lagu laayay.

Markaas kadib baa dadkii dagmadu meeshii bahallada lagu laayay soo dhoobtay, mise bahalladii dadka ka dhammeystay meeshay wada kogsan yihiin. Waxay la yaabeen sida dhibka yar ee bahallada loo laayay.

Markaasaa la waydiiyay walaalihii awoodda ay adeegsadeen iyo kooda fikirkii lagu laayay lahaa. Waxaa loo sheegay xirribtii caaqilka ee bahallada isku dirtay. Dadkii aad bay u farxeen waxayna soo dhaweyn iyo sooryeyn ugu cesheen walaalihii.

Subaxii dambe ayay walaalihii yiraahdeen waxaan rabnaa waxgaradka degmada. Si farxad leh ayaa loogu keenay dhawr nin oo waxyaqaan wada ah. Walaalihii waxay jeediyeen arrinkoodii. Markii la dhageystay baa waxgaradkii soo showray.

Go’aankii waxay ku yiraahdeen; nin walba oo idinka idin ka mid ahi wuxuu ku fiican yahay qeyb ka mid ah arrimihiinna, waxaase isku kiin hagi kara Caqilkee talada u deysta. Sidii bayna walaalihii ku heshiiyeen nabad iyo baraarana ugu sii nagaadeen.

Sheekadan Gaaban ee xambaarsan Tusmiyo tusaale murtiyeysan waxaynu kaa faaidaynaa

1: Dadka soomaaliyeed waxay leeyihiin dhaqan aad u qiimo badan kaaso kala bila oo haga hab nololeedka iyo geedii socodka umada waxaana hormuud ka ah Golaha dhaqanka oo ah isimada ama salaadiinta beeluhu doortaan. Sidaa daradeed markay talo gondaha lalaabato waxa loo geeya oo gundhiya ama godliya waa Isimka/Caaqilka dadku doorteen ee geedka fadhiya..

2: Waxanu kaloo ka faaidaynaa ficil kasta oo la qabanayo waa in laga wada shawraa, waana in aan nina gaarkiisa wuxuu doonayo umuqaysan markay xaajadu taagan tahay danta guud

3: Waxay sheeko murtiyeedkan inoo tibaaxaysa wixii cadaw  kugu ah in aan lagu  muquunin oo kaliya geesinimo, maal, ama xoog laakiin caqiliyo maskax fiyow loo adeegsado oo keenta xiribiyo xeelad lagaga dabaalan karo si fudud hawsha culuse kula soo darista...

Maanmaal Buureed Gurxan.......

28 Apr 2014

ISLAMIC ECONOMIC THOUGT

Islamic Economic Thought

The Prophet Muhammad (pbuh) told Muslims "seek knowledge, even if it be in China."

Origins of economic thought have been found in the writings of some prominent Islamic scholars, during the five centuries prior to the Latin Scholastics, who include St. Thomas Aquinas. During this period the Islamic civilization was one of the most fertile grounds for intellectual developments in various disciplines, including economics.

Early Muslim Economic Thinkers

¤Foundations and Development – First Phase (upto 1058)
¤Foundations and Development – Second Phase (from 1058 - 1446)
¤Foundations and Development – Third Phase (from 146 - 1932) • Current Phase

Early Muslim Economic Thinkers Al-Ghazali (1058–1111) classified economics as one of the sciences connected with religion, along with metaphysics, ethics, and psychology. Authors have noted, however, that this connection has not caused early Muslim economic thought to remain static. Persian philosopher Nasir al-Din al-Tusi (1201-1274) presents an early definition of economics (what he calls hekmat-e-madani, the science of city life) in discourse three of his Ethics: "the study of universal laws governing the public interest (welfare?) in so far as they are directed, through cooperation, toward the optimal (perfection).

Many scholars trace the history of economic thought through the Muslim world, which was in a Golden Age from the 8th to 13th century and whose philosophy continued the work of the Greek and Hellenistic thinkers and came to influence Aquinas when Europe "rediscovered" Greek philosophy through Arabic translation.

A common theme among these scholars was the praise of economic activity and even self-interested accumulation of wealth.

Persian leader Shams al-Mo'ali Abol-hasan Ghaboos ibn Wushmgir (Qabus) (died 1012) advises his son in the work Qabus nama: "My son, do not be indifferent to the acquisition of wealth. Assure yourself that everything you acquire shall be the best quality and is likely to give you pleasure." Persian philosopher Ibn Miskawayh (b. 1030) notes: "The creditor desires the well-being of the debtor in order to get his money back rather than because of his love for him. The debtor, on the other hand, does not take great interest in the creditor."

This view is in conflict with an idea Joseph Schumpeter called the great gap. The great gap thesis comes out of Schumpeter's 1954 History of Economic Analysis which discusses a break in economic thought during the five hundred year period between the decline of the Greco-Roman civilizations and the work of Thomas Aquinas (1225-1274).

However in 1964, Joseph Spengler's "Economic Thought of Islam: Ibn Khaldun" appeared in the journal Comparative Studies in Society and History and took a large step in bringing early Muslim scholars to the attention of the contemporary West.

The influence of earlier Greek and Hellenistic thought on the Muslim world began largely with Abbasid caliph al-Ma'mun, who sponsored the translation of Greek texts into Arabic in the 9th century by Syrian Christians in Baghdad. But already by that time numerous Muslim scholars had written on economic issues, and early Muslim leaders had shown sophisticated attempts to enforce fiscal and monetary financing, use deficit financing, use taxes to encourage production, the use of credit instruments for banking, including rudimentary savings and checking accounts, and contract law. Among the earliest Muslim economic thinkers was Abu Yusuf (731-798), a student of the founder of the Hanafi Sunni School of Islamic thought, Abu Hanifah.

Abu Yusuf was chief jurist for Abbasid Caliph Harun al-Rashid, for whom he wrote the Book of Taxation (Kitab al-Kharaj). This book outlined Abu Yusuf's ideas on taxation, public finance, and agricultural production. He discussed proportional tax on produce instead of fixed taxes on property as being superior as an incentive to bring more land into cultivation. He also advocated forgiving tax policies which favor the producer and a centralized tax administration to reduce corruption. Abu Yusuf favored the use of tax revenues for socioeconomic infrastructure, and included discussion of various types of taxes, including sales tax, death taxes, and import tariffs.

Early discussion of the benefits of division of labor are included in the writings of Qabus, al-Ghazali, al-Farabi (873–950), Ibn Sina (Avicenna) (980–1037), Ibn Miskawayh, Nasir al-Din al-Tusi (1201–74), Ibn Khaldun (1332-1406), and Asaad Davani (b. 1444). Among them, the discussions included division of labor within households, societies, factories, and among nations.

Farabi notes that each society lacks at least some necessary resources, and thus an optimal society can only be achieved where domestic, regional, and international trade occur, and that such trade can be beneficial to all parties involved.

Ghazali was also noted for his subtle understanding of monetary theory and formulation of another version of Gresham's Law. The power of supply and demand was understood to some extent by various early Muslim scholars as well. Ibn Taymiyyah illustrates: "If desire for goods increases while its availability decreases, its price rises.

On the other hand, if availability of the good increases and the desire for it decreases, the price comes down." Ghazali suggests an early version of price inelasticity of demand for certain goods, and he and Ibn Miskawayh discuss equilibrium prices.

Other important Muslim scholars who wrote about economics include al-Mawardi (1075–1158), Ibn Taimiyah (1263–1328), and al-Maqrizi. 

THE FOUNDATIONS AND DEVELOPMENT – (upto 1058) First Phase
¤Zaid bin ‘Ali (d. 738 AD)
¤Imam Ja'far (d. 765)
¤Imam Abu Hanifa (d. 767 AD) 
¤Imam Malik (d. 795 AD)
¤Abu Yusuf (d. 798 AD)
¤Muhammad Bin Al-Hasan (d. 804 AD)
¤Imam Shafi'i (d. 820 AD)
¤Abu ‘Ubaid (d. 838 AD)
¤Imam Hanbal (d. 855 AD)
¤Harith Bin Asad Al-Muhasibi (d. 859 AD)
¤Junaid Baghdadi (d. 910 AD)
¤Mawardi (d. 1058 AD)
¤Ibn Miskawaih (d. 1030 AD)

THE FOUNDATIONS AND DEVELOPMENT – (1058 - 1446) The Second Phase

¤Al-Ghazali (d. 1111 AD)
¤Ibn Taimiyyah (d. 1328 AD)
¤Ibn Khaldun (d. 1404 AD)
¤Al-Maqrizi (d. 1441 AD)

THE FOUNDATIONS AND DEVELOPMENT – (1446 - 1932)
The Third Phase

¤Shah Wali Allah (d. 1762 AD)
¤Muhammad Iqbal (d. 1938 AD)

THE CURRENT PHASE
Islamic resurgence in economics and other social disciplines ¤Muhammad Baqir Al-Sadr,
¤M. Umer Chapra,
¤M. N. Siddiqi,
¤K. Ahmed among others.

26 Apr 2014

16 HAL OO WADA GARTAYA(GALAYAX)

Cabdi-Galayax Maxammad Aw-Magan (AUN) wuxuu ka mid ahaa raggii gaanka ku noqday gabayga. Wuxuu ku jiray caaradkii horyaalladii maansada S/liyeed.

Cabdi wuxuu ku dhashay kuna koray degaannada Doollo, Doh, Ceelgaab, Galgaduud, Ceelcad, Xagarleey iyo Ximan oo dhammaantood ka tirsan Kiilka Shanaad ee Itoobiyada maanta iyo dhulalka ku beegan ee Jumhuuriyadda S/liya. Cabdi wuxuu ka mid ahaa raacatadii S/liyeed ee degalladaas ku dhaqmay.

Sida asaguba qiray wuxuu bilaabay gabayga asagoo gaban yar ah. Wuxuu tiriyay gabayo iyo geeraarro tayo wanaagsan leh oo caan noqday, inta maanso-maalka ahina ay marag ka noqdeen qiradooda.

Sannado badan, kahor intuusan geeriyoon sannadkaan 2013-ka buu Galayax ka gabangaabsaday gabayadii aadka loo xiiseyn jiray. Haddii la weydiiyeyna wuxuu uga jawaabay tixda hoos ku qoran oo uu ku leeyahay lix iyo toban hal oo wada gartaya baan isaga daayay.

Gabaygaan Galayax waa cashar dhammeys tiran oo na baraaya sida goorihii hore geyiga S/liyeed looga dhaqmi jiray iyo gadaha cusub oo ay waayahan ku dambeysay.

Wuxuu is barbar dhigayaa dhaqammadii suubbanaa oo goor iyo ayaan lagu maamulan jiray nolosha iyo guul-darrooyinkii ka dambeeyay.

Hadday tahay gabay, garaad, gu’, gabar la guursado iyo gacal sokeeye ah iyo hadday tahay kala-dambeynta guudba wuxuu leeyahay waxaa jiri jiray xurmo iyo qaddarin kuu yahayba la siin jiray.

Wuxuuna ku gunaanaday macne kale waa u waayey ee kani waa adduun- gaddoon, wuxuuna yiri:

¤Awel maanso waataan gurshoo, gooyey waayadane
¤In dhawayd ka gabangaabsadoo, wayga garateene
¤Anigoo an gabin baan nacee, kama galgaaleene
¤Lix iyo toban haloo wada gartaya, wawga gaabsadaye

¤Gabaygu waa yaraa Muxummadoow, gaafihii hore
¤Garka iyo sidaydaas nimaan, guudka ka caddaanin
¤Ama aan shaarubada oo gotay, iyo gucummo aar yeelan
¤Goloyaasha lama keeni jirin, gaafka loo tago e
¤Maantana Gurbood iyo gabdhiyo, gaban yaroo wiila
¤Iyo Oday guxuushaayaa, guusha loo simaye
¤Gef inay amuurtaasi tahay, wawga gaabsadaye

¤Guubaabo iyo gooddiyo, gabay ma daayeene
¤Haddii aan garwaaqsaday intaan, gu’ iyo Waa Joogay
¤Nin gaboobay oo oday noqdiyo, guud caddaan ahaye
¤Gefkii iga dhacaa maanta waa, geeri oo kale e
¤Inuu godob islaameed i bado, wawga gaabsadaye

¤Cibaadada ninkii gaar ka mara , guul darraa heliye
¤Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor iyo ayaanba
¤Marna kama gidaadeen fahmada, guulle ii qoraye
¤Gabayada haddaan shubi lahaa, amase geeraarka
¤Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diineede
¤Gelin dhexe habaynkii wardaan, gurayaa laylkiiye
¤Nin ilaah u go’ay baan ahoo, wawga gaabsadaye

¤Geddaan anigu soo maray haddaan, gun uga sheekeeyo
¤Inkastoo barkood go’ay naflaha, geeri bow imane
¤Raggii Geedka ila joogi jiray, gabalki baa noole
¤Galkaa Bari Garoowiyo Nugaal, Garacad meesheeda
¤Gooddiga Hargaysiyo intii, Guban ka hoosaysa
¤Garloogubay Galbeediyo Jig-Jiga, Goobba dhinaceeda
¤Garbahaaraleeyiyo dhulkaa, Gedo ka baalleeya
¤Intaasoon guriyo meelo iyo, gobollo soo sheegay
¤Anigaa geyiga eebbahay, gabay u teednaaye
¤Maantana rag badan baw gurmaday, gooha maansada e
¤Inay wiilal wada guuxayaan, wawga gaabsadaye

¤Nin gurbooda lama qayrsan karo, guun haddaad tahaye
¤Midaan hooyadii gurininoo, guriga meeraaya
¤Aan weli gosheediyo ka bixin, gurada Awrkooda
¤Hadduu goob walbaba taagan yahay, gabayna tookhaayo
¤Kolna inaanan garab joogsan karin, wawga gaabsadaye

¤Gabay Hawle iyo Raage iyo, Gooni baa lumaye
¤Cali iyo Gahayr iyo Qamaan, geeri baw timide
¤Ismaaciilna mawd baa genbiyay, waana tuu go’aye
¤Afcad wuxuu Gallayreyn ogaa, geesigii dhimaye
¤Galaaskayga nimankii ahaa, gululi weeyaane
¤Anna goor dhow baan filahayaa, goof la ii qodo
¤Inay guurtidii eber yihiin, wawga gaabsadaye

¤Markaanse gaban ahaa iyo haddoon, gooman oday yeeshay
¤Intii aniga geed iyo shiriyo, garangar lay keenay
¤Amaan meelo lagu guulayiyo, gogol ka sheekeeyay
¤Haddii aanan gabbaro weyn ku helin, guuyo iyo xoolo
¤Inaan faa'iido laga gaarahayn, wawga gaabsadaye

¤Haddii aanan gobaadoo dhashiyo, geri ku taabaynin
¤Ama aanan gamaankii fardaha, gorey ka fuulaynin
¤Ama aanan garaaddiyo billado, garabka saaraynin
¤Waxba gooddiggiisiyo ma rabo, gole ka sheeggiise
¤Inaan galala’diisu i anfacayn, wawga gaabsadaye

¤Aduunyaduba gaasiran ninkii, gaan ahaan jiraye
¤Ninkaan gacanta lala laaci jirin, waa gabbanayaaye
¤Hayeeshee gadaal niman dhashiyo, gefiyaa kacaye
¤Amba rag baa gabay igu qabsaday, iina goodiyaye
¤In aduunku gaafaysi yahay, wawga gaabsadaye

¤Nin ragihi wuxuu galay amuu, gudeyba loo diidye
¤Haddaad geesi tahay meel walbaba, cadawga guulaaya
¤Giiryaalihii kula dhashaa gaalo, kaa necebe
¤Inaan xaasid gacal kuu ahayn, wawga gaabsadaye

¤Shir la gooday waayeel gabraday, talo la goyn waayey
¤Guddi ururtay niman gaan ahoo, gararka feeraaya
¤Xaajada guyaal iyo guyaal gees, u dhici wayday
¤Garaad iyo wax loo sooci jiray, guud-caddow odaye
¤Haddana geedka wiilkii yar baa, gic isasoosiine
¤Haddaanse guurshay kani, waa adduun gees u foorare
¤Inba aakhir sabankii la galay, wawga gaabsadaye

¤Gooraan Fardood iyo Darmaan, Galow ka dheeraysa
¤Sayid maxamed geel iyo lo’ iyo, godol wuxuu haystay
¤Arlaa’iga wuxuu daar gingimay, gulufna heenseeyey
¤Gubnigii Daraawiish wuxuu, gaasas bixinaayay
¤Gumaysiga wuxuu laayay oo, Gaal la diriraayay
¤Gebogebo intuu dhigay wuxuu, libin ku geeraaray
¤Wuxuu naago goba guursadoo, aqallo gawriirshay
¤Intaasoo gallada oo ilaah, ugu gargaaraayay
¤Gegi buu ka taagnaa cidla’ , maalintuu go’aye
¤Nimanakii godka u qoday ma cunin, gudurkii duugeede
¤Gadaal xumida dunidaan arkoo, wawga gaabsadaye

¤Gabdhaheenna waxaa loo yiqiin, haybad gooniyahe
¤Goshay xiran jireen maryaha, loo garraarsado e
¤Gobna waxay ahaayeen intay, guudka dabayeene
¤Gayaankooda lama laacdamayn, goor iyo ayaane
¤Maantana gad baa lagu arkiyo, guuldarriyo ceebe
¤Adigoo gidaar uga horyimid, kaama gudayaane
¤Garoob waalan iyo waxaa ka haray, goroyo food dheere
¤Hiddiihiina waa garab mareen, gaar ahaan jiraye
¤Timihiina gedef bay ka dhigeen, madax ganboor weyne
¤Iyagoon ninnaba guursan bay, wada ganbaysteene
¤Haweenkeenna dhaqankii geddiyay, wawga gaabsadaye

¤Garaad nimaan lahayn baan ogayn, gaadistii malage
¤Gugaan manta joogiyo haddaan, gadaha faalleeyo
¤Gantaalaha wadkii haystay iyo, gamaska mawdkayga
¤Markuu ruuxa iga goyn lahaa, waa la soo galaye
¤Inay taasna igu guullan tahay, wawga gaabsadaye

¤Inkastoon gu’yaal badan cimriga, gelimmo sii joogo
¤Maraan go’aba mawdkii rabbaa, ii gadaal imane
¤Godna waa i sugayaa qabuur, guda ciriiryoone
¤Gabnahaa agoontoobiyo, gaariyahaan qabo e
¤Intaan ciidda hoosteeda gelin, wawga gaabsadaye.................

Erayada:-

1-Galgaal: naag aan dhalin oo cayishay. Wuxuu ula jeedaa waa ka guray gabayga.
2-Gidaad/Gedaad: qoonnsaday oo ka carooday
3-Galaaf: martay, sababay, hor u qaatay.
4-gurbood: dhallaan, carruur, ubad.
5-Galaas: Class (af Ingriis); dabaqad
6-Gululi: dhammad, sii yaraanaya
7-gooman: waa wadarta goon, waana lafta isha ka korreysa
8—Gabbaro: ammaan, sedo, canshuur
9-Gobaad, Geri: magacayo hasha loo baxsho
10-Galala’; dhawaaq ama qeylo
11-Gooday: la aguugay, la abaabulay
12-Gabraday: wadajir u farfariistay 13-Gucummo: raan ama shaash. Waxaa yeesha libaaxa iyo wixii soo raaca.
14-Guxushaa: weynaaday, sida guxushaa oday
15-Gooddi: cagajugleyn, dhaar
16-Teed: sarsar; oodda reerka dusha uga oodan
17-Gaafo: kolkol, kalkal, toogo, jilays
18-Gaaf: goob la qurxiyay oo lagu qabto cawayska iyo dheelaaska arooska
19-Giiryaale: fulay
20-Guurshay: hadal meel laga qaado oo meel kale loo raro. Wuxuu ula jeedaa qiimeeyay.
21-Godol: neefka irmaan markuu u diyaar yahay in la liso. Wuxuu ula jeedaa guuyooda irmaanaan karta oo idil.
22-gingimay; buuxshay, cammiray
23-Gedef: qaab wareegsan leh
24-Gamas: hooto dhego leh, waana jaad ka mid ah warmaha.
25-Guullan: xoolaha la aroorshay, habeynkay dhex fariistaan. Wuxuu ula jeedaa igu soo maqan.
26-gelimmo; wadarta gelin waana maalinta barkeed
27-Gudur: hilib jiir ah oo adag

Mool Cilmiga Iyo Miidda Suugaanta(Maanmaal)....

Ka Daalaco Hawraartii Abwaanadii Hore Iyo Murtida Curdinka ahe Hal-Abuurka Sebenka Kacay

17 Apr 2014

JACBUR

"Paris ninkii jooga iga badiya, Baabka xuuraanke

"Isagaa bilcaantu arkaba, Caashaq ku baquujiye

"Isagaa baandheys ku baayaca, Bureeqooyinkaase

"Isagaa bucbuciyo baacsada, Barraar naaxaye

"Isagaan Inan boqor dhalay, Biyo u kabanayne

"Isaga badhidiyo adhaxda tuuja, Baruuryo weyntaase

"Isagaa huuha ku bir gooya, Balweeya kibirtaye

"Afartaa ba'leyda gabay iyo, Barobogandadaydii dhe

"Ina bawkax jacburkuu bigayn jiray, Iyo budhkaygii dhe

"Biifta iigu ma baxdee bal aan, Hal kale baano

"Anigu been dhalxasha waan aqaan, Bagaf xumaanteede

"Murtida hall-abuur baaluqay baa, Bidhi yaqaane

"Ba'da jacburka biliqsan haddaan, Boodhka ka jafto

"Ammaan jaygaas ka badan hadan, Kugu bineeyo

"Bureeqo banaan degtay iyo mid, Baas baad tahaye

"Hablahaba mid baro dheeroo, Loo biyeystaad tahaye

"Mid ninkii bartaa jacaylkeedu, Buusbuusayaad tahaye

"Ninkay bixiso wado koboji baa, Loo bidhbidhiyaaye

"Baradho dacartaa ka macaanoo, Bislaatay Baad tahaye

"Buuri iyo qaad buurbuuranoo, La bashaqsadaad tahaye

"Madhabiyo laan lagu barjeeyo, Boocsan baad tahaye

"Bigays bakeeri lagu kiisayoo, Bararsan baad tahaye

"Bajaq lama amaanee majaafo, Loo burseelaad tahaye

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

15 Apr 2014

MAANFURE

"Been foocsan, Fadqaliyo xan taagan, Faajirnimaa leh

"Maan foorara, Fa' iyo woow gelaynin, Fahmad gaabbaa leh

"Faaniyo tookh, Foohaarsiyo Isqadqaad, Fongor kibraa leh

"Ficil xun, Fudeydiyo fiiro la'aan, Ruux Falan baa leh

"Fadhfadhiyo buuq, Fatooshiyo falahtan, Faataa dhuglaa leh

"Addiyad loo fayfaytiyo, Faduuliyo ilaaq, Fantalaq firganayaa leh

"Waxaan xishood laga filaynin, Faraq faaray baa leh..................

Maanmaal Buureed Gurxan

13 Apr 2014

Xadhiga Illaahay Uqabso Dhab(Maanso Qaafiyada Lammaan)

"Xadhiga illaahay uqabso dhab
"Xaaraaniyo ka reebaya dunuub
"Xubnahaaga ku ridaya cadaab

"Xumaantana naftaada ka reeb
"Xiskiyo maanka gelinaya qulub
"Xabadkaagana ku shidaya dab
"Xisaabiyo ka dambayso ciqaab

"Xeerka sunadu maaha dhib
"Xasanaadiyo weeye  malab
"Xalwadiyo ka macaan sabiib

"Xaqiyo sunada naftada ku hab
"Xurmiyo ku gaadhsiinaya lib
"Xaqsoorkoodu yahay jano dahab......

Maanmaal Buureed

QAAFIYADA LAMMAAN

√"Samaha marinkisa qaad
√"Sunadiyo quraanka xafid
√"Si aad xaqa ugu toosnaatid......

√"Saalixiyo noqo sidii nashiid
√"Samiriyo gudonsada dulqaad
√"Si aad u yeelatid sumcad...........

√"Siduu ku farayna Al-majiid
√"Sidaaduba ka dhigo sad
√"Si aad weligaa uliibaantid....

Maanmaal Buureed

8 Apr 2014

QAAFIYADLEYDA LAMMAAN( MUXIBOOY JACAYLKA HAG)

¤Munaay Jacaylkena rogrog,
¤Maaliniyo habeenba hag,
¤Maskaxdiyo qalbiga halbeeg,
¤Midkii quman ku beeg,
¤Meeshu leeyahayna u sheeg......

¤Muniiraay jacaylkena hag,
¤Muraniyo uga dig hoog,
¤Maanka jiidhsinaya shaag
¤Mugdiyo ka ilaalina halaag,
¤Mooliyo ku ridaya hog......

¤Malyuney jacaylkeena hag,
¤Musbaaxiyo qaado tiriig,
¤Macaanow ka dheh salag,
¤Muuqayga oo kaa fog,
¤Milicsiga indhaha ku dhaag,
¤Manmaalow idheh isoo durug.....

¤Munaay Midaasi waa xog,
¤Muraniyo maaha maag,
¤Jacaylkuna maaha Xoog,
¤Mucashiqiintu dhahaan Malag,
¤Iyo Mawd loo galay Shabeg,
¤Midaasina Waa Shirig..................

¤Musbaxiyo la moodyeey tiriig,
¤Maansada ku idhi dhig,
¤Marwooy Meel leh doog,
¤Maqaamkeedu yahay roog,
¤Muxibo weeye leh mug,
¤Maangiyo ka macan farsuug,
¤Maydhiyo ka baxa sanaag....

¤Munay hays odhan ka tag,
¤Marna hays odhan ka raag
¤Malabkeeda usoo degdeg,
¤Muxubooy aad tiraahdide  dug....

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

QAAFIYADLEYDA LAMMAAN(CISHQIGU WAA SAHAL)

"Cuddoneey inaabti hubaal
"Caynkuu yahayba jacayl
"Cilmiyo lagu waa maal
"Caawimiyo lagu waa itaal
"Catowiyo lagu waa calaacal
"Cishqiguna maaha sahal-e

"Caashaqeena abaabul
"Canaaniyo ka ilaali dhaliil
"Cadhiyo ku beeraya ciil
"Cadawiyo ka ogow bahal
"Ceeliyo ku ridaya bohol
"Cadceediyo ka ilaali dabayl
"Cidliyo ku wiiqaya jeel
"Coofle aariyo ku helayo shabeel......

continuee..................

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

QAAFIYADLEYDA LAMMAAN

"Jahwariyo luuleey mumtaas
"Jacaylku haduu yahay waxbaas
"Jidiyo loo maro meel ah halis
"Jeeni calafle aariyo jiifo abris

"Jawharey inta la balamo caways
"Jaaliyo looma sameeyeen raas
"Jabad looga yagleelo aroos
"Jandheeriyo laga tumo muyikis
"Jiiftiyo lagu googooyey hees

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

NAFTA YAA U ROON?

✰Nolosha adduunyo waa midaan, Lagu negaadayne.....

✰Nafta yaa uroonoo gaashaan, U noqon kara?

✰Nimco u nuguliyo yaa, Nasriya unoqon kara?

✰Gacalo nasaba iyo yaa, Nuuralcayn unoqon kara?

✰Nudub weeye caashaqu, Nabriya wadnaha-e!!!

✰Nasteexiyo dareen jacayliyo yaa, Naruuro siin kara?

✰Kalgacaliyo kalsooni nusqamayno, Nolol waaraaya....

✰Nudayaasha laabteeda yaa, Ku negayn kara?

✰Hadal naxdiniyo beeraya, Niddaamo daran....

✰Weedh naxli lehiyo yaa, Nitaaqo ka dhawri kara?

✰Nuurkii indhaheediyo yaa, Nal u noqon kara?

✰Xareed naciima, Naqiyo doog, Dhul nimcaysan....

✰Nugaaliyo laas xareedliyo yaa, Nabad kula caweyn kara?

✰Neecawda caashaqiyo yaa, Naxal la nuugi kara?

✰Hanuunka naasirkaa bixiyoo, Naftu doono hadeeye.....!!!

✰Naajix samaha fariyo yaa, Saaxiib nafica unoqon kara?

✰Been lala nuxnuxleeyiyo yaa, Naqsi ka nahin kara?

✰Kibir naanaabsha iyo yaa, Nifaaq ka nahin kara?

✰Sunadii nebiga yaa, Dabacsani ugu nasteexayn kara...... ?

✰Nasriga eebbaa bixiyoo, Ninku doono siiye.....!!!

✰Gacalo nasaba iyo yaa, Nuuralcayn unoqon kara?

✰Nudub weeye caashaqu, Nabriya wadnaha-e!!

✰Nasteexiyo dareen jacayliyo yaa, Naruuro siin kara?

✰Wacad aan nafoobeynin iyo yaa, nidar la gali kara?

✰Saddexeeye nugleeya iyo yaa, Nuxuus ka jiri kara?

✰Diradiraale niiq dayn maaye yaa, Namiimka ka jeedli kara?

✰Nasiibku waa yeelkiise yaa, Beryo Samir ku naawili kara?........

WT: ‎Maanmaal Buureed Gurxan‬