Dhaqaalaha Madhabka Classicism
Dhammaadkiii qarnigi 18aad iyo bilawgi qarnigii 19aad ayaa waxa aad uso ifbaxay in kacdoonkii warshadeed ee yurub ka jiray , iyo in lasoo saaray alaado ka shaqo wanagsan aadmaha , sida gawaarida lagu falo beeraha iyo warshadaha aladeed , taasna sababtay ine dhacaan shaqo la’aan baahsan oo ku habsatay dadki ka shaqeenjiray hawlaha ay la wareegen alaadahaas .
Sas darteed culumadi cilmiga dhaqaalah oo xiliga doonayay ine saxaan nadariyaadkii dhaqaalo ee wagi hore jiray , iskuso wada dubow Classic School waxa ay eheed dhaqaaq looga gudbayay suuradi qadiimka eheed ee cilmiga dhaqalaah iyo hir galinta dhaqdhaqaaqa fardiga ah ( maslaxada fardiga )ee Liberalism ka loo yaqaan , ayado laguso koobayay cilmiga dhaqalaha , taxliilka looyaqaan( Microanalysis).
Saameynta ee sameesay iskoolkii classicism :-
1. soo ifbixida dabaaqaadka bulsho ( dabaqada hoose , dhaxe , sare )
2. Dhaqaalaha kala iibsiga aadamaha oo noqday il dhaqaalo oo la ictimaado
3. faragalinta dawlada oo lagu soo koobay ilaalinta malkiyada afraada qura .
Waxa hogaaminayay iskoolkaas raga caan ku ah cilmiga dhaqaalaha sida Adam Smith iyo Tomas maltose iyo David Ricardo iyo John Stu-red mill
Mad-habka Neoclassicism
Iyadoo ay sii fideeyso afkaarta Marxism ka ( maraakisiyada ) oo lid ku ah fikirka capitalism ka ayaa waxa soo ifbaxay waxa lo yaqaan madhabka neoclassicism .
Hadaba waa maxay neoclassicism ? Waa qeyb ka mid ah musaslada horimarineed oo ay wadeen culumadii dhaqaalo ee qarnigii 19aad , waxeyna ka duuleysan awooda fardiyeed ee lo yaqan (Liberalism) waxa ay eheed muhimada madhabka neoclassicism in ay hormariso madhabki classicism ee ka horeyay.
Waxyaabaha ay so bandhigtay madhabka neoclassicism aya aha:-
1. Isticmaalka xisaabaata kolka lagu guda jira taxliilka dhaqaalo , sida law of supply iyo law of demand iyo qawaaninta xisaabeed oo lamidka ah .
2. Soo biirida fikrada la dhaho (Marginal ) ama xadiga sare
3. Isticmaalka fikrada manfacada ( Utility ) mid xadideesa iibsiga badeecooinka sadaxaas afkaar aya ugu waaweyna waxyabaha ay soo biirisay madhabka neoclassicism . Waxa jira dhawr iskool oo ka farcamay madhabka neoclassicism oo kala ah
1. Iskoolka xisaabta : oo caan ku ah isticmaalka xisaabaha iyo soosarida qaanuuno kala duwan oo ku dhisan qaab xisaabeed.
2. Madarasda Austria : oo caan ku eheed ine ahmiyada siiso nafsiyada qofka kolka ay daraasnayso muuqaalka isbadalka dhaqaalo , waxeyn ku caan baxday magaca ah (Psychological direction).
3. Madarasada Cambridge : waxa ay ku can baxday isku aruurinta dhamaan afkaarta dhaqaalo ee labada madhab iyo is waafajintooda .
3. Madhabka Keynes (Keynesian Revolution) :- 30 meeyadi qarniga 20aad , aya waxa culumada dhaqaalo ay muhiimada siin jiray taxliilka juz’iga ah (Microanalysis), waxeyna aaminsanaayen in shaqa siinta buuxdo (Full employment) ay tahay wadci joogta , islamarkaana waxsoosaarka qoomiga (GNP) uu ahaanaya mid fadhiya oo is badbadlin , aragtidaasoo ku koobneed taxliilka loo yaqaan (Microanalysis) .
Aragtidaas aya waxa ay sababtay ine dhacaan dhacdo dhaqaalo oo weyn taasoo lamagac baxday (Great depression) ama fadhiid dhaqaalo lagu dhihi karo afka soomaaliga , waxey sababtay in uu soo if baxo nin la dhaho John Maynard Keynes oo ah caalim dhaqaalo oo udhashay dalka ingriiska , asagoo qoray kitaab la dhaho ” The General Theory of employment , interest and money ” kitaabkaan oo wax weyn ka badalay habsami usocodki cilmiga dhaqaalo , oo soo ifbixiyay waxa loo yaqaan (Macroeconomic) dhaqaalaha guud .
Haddaba Kacdoonka Keynes maxa uu ku saabsana ?, Waxa u sabab ahaa:
1. Burburinta afkaarti ku dhisneed taxiilka yaraa (Microanalysis)
2. Shaqo la’aanta iyo waxsoo saarka guud ine yihin kuwa isbadbadla oo aan ku nagaan hal meel , taaso ka duwan aragtidi culumadi hore .
3. Fara galinta dawlada ee xaga dhaqdhaqaqa dhaqaalo oo kor u qaadmay , xaga ay ka ahan jirtay mid ilaalisa hantida gaar ahaaned qura .
4. Taxliilka maaliyadeed oo noqday mid awood ku leh taxaaliisha cilmiga dhaqaalo
5. Soo ifbixida mawaadiic cusub oo aad muhiim u ah sida wax soosaarka guud, dakhliga guud, iyo waxsoosaarka maxliga guud. GNP , GDP , NNP .
Kacdoona Keynes ayaa wax weyn ka badalay cilmiga dhaqaalaha asago leexiyay habsi usocodkii cilmiga dhaqaalaha, kaso cilmiga dhaqalaha haatan loo qeebiyo laba qeeybood oo muhiim ah Microeconomic & Macroeconomic .
Tixraaca(Reference)
1: History of Economic Thought
Economist: Maanmaal Buureed Gurxan
No comments:
Post a Comment