20 Feb 2014

SUUGAANTU WAA DHAXALFAC

SUUGAANI WAA MAXAY?

Waxa meelo badan lagaga hadlay waxa uu yahay hadalku iyo in uu ka duwanyahay suugaanta qaybta tixda oo ah wax la tiriyo.

Dadka ku takhasusay afka soomaliga waxay sheegeen in uu Afku u kala baxo suugaan iyo hadal. Waxa kaloo loo kala qaybiyay tix iyo tiraab oo ah wax laga sheekeeyo.

Tixdu waxa ay u kala baxdaa gabayga, geeraarka, guurowga, buraanburka, heesoha iwm. Tiraabtu waxa ay u kala baxdaa maahmaahoha, sheeko-xariirooyinka­, riwaayadoha, sheekooyinka male-awaalka ah iyo waxii kale ee gaar ahaan loo qiimeeyo, sida buugagga sheekooyinka.

Arrinta caynkaas ah, gaar ahaan buugagga sheekooyinka, dadka qaar baa ay ka daadegi la’dahay, oo yidhi ”sheekooyinku waa hadal”. Haddaba, jawaabta arrintaasi meel dhow baa ay saarantahay. Qofku waxa uu yidhaahdaa “waa aan sheekaynayaa”; “waa aan gabyayaa”; “waa aan buraan-burayaa”; “waa aan heesayaa” iwm. Ma aan uu yidhaahdo “waa aan hadlayaa”.

Laba su’aalo baa meesha yaal. Waa maxay suugaani (literature)? Waase maxay hadal (language)? Jawaaboha labadaa su’aalood waxa ay kale yihiin:

Suugaani waa waxii gaar ahaan loo qiimeeyo wax-ku-qaadasho ahaanna loo barto, samayntoodana wakhti iyo feker ku baxo, lagana yaabo in muruq iyo maalba soo raacaan. Waa wax lagu kaydiyo qoraal ama qaybid.

Hadalkuse waa waxii la leeyahay ama la sheegayo ee ah xidhiidhka dadka ee caadiga ah joogto ahaan ka dhexeeya. Hadalku ma aan uu ah wax la qaybo ama uu tacab ku baxo. Sidaa awgeed, ayaa ay suugaanta qaybta tixdu u leedahay miisaan lagu ilaaliyo.

Ereyga suugaan waxa yaab ah in uu leeyahay macnayaal kala duwan oo deegaan kastaba si loo yaqaan. Waana eray ku habboon sida aynu maanta u naqaan, oo waxa ay macna-yaashaasi sheegayaan uun waa labeen, Iidaan, budada hadhuudhka, cawska isku jirka ah iyo qaar kaloo badan. Waa erey aan macno keliya loo aqoon.

Weli anigoo ku jira ereyga suugaan, waxa idiin soo gudbinayaa in soomaalidu odhan jirtey: “Suugaani hadal maaha” sii sharxaya wuxuu yidhi: ” Suugaan waxa loo yaqaanay hadalka gunuuska ah, hadal-ka lagu yidhaahdo cod hoose ee aan si wanaagsan dhegtu u maqli karin, waxaana jirtay maahmaah, saddexley ah oo odhanaysa: Hilib sooryo ma aha, Socod raaxo maaha, suugaanina hadal maaha. Waxa aad mooddaa in maahmaahdani ugu dhawdahay macnaha aynu haatan u naqaan Suugaanta.

Waxa ay macnayaashaasi kaga hilaacaya xogta aad ka helaysid ah in macnaha suugaani hadal maaha ay tahay, hadalka gunuuska ah. Ilama aha, waa hadalka aan caadiga ahayn ayaa la odhan karaa Suugaan.

Hadalna waa kan aynu ku hadalno, suugaanina hadal maaha ee waa suugaan oo wa maxay? Waa inta xaraf raaca leh, inta hab dhaca leh inta sarbeeban iwm.

Suugaantu waxa ay ku noqotay hooyoda Afka waxa sabab u ah dadaalka lagu bixiyo samaynteeda iyo marka dambe haynteeda. Waa wax la heli karo, oo diyaar ah, oo meel loogu hagaago leh ama uu qofkii doonaa garanayo meel uu u raadsado.

Markii Afka la qoray waxa ay suugaantu noqotay waxa qudh ah ama keli ah ee diyaarka ahaa ee lala soo boodey in la sheeg-sheego, ama la barto.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadeenan aan kaga hadalayey suugaani maxay tahay, Maanso gaaban oo aan u curiyey qaabka xaraf raaca suugaanta soomaaliyeed iyo suugaanta carbeed...

Meeris kasta oo ugu horeeya waxa uu ku bilaamayaa xaraf "S" waxaanu ku dhamaanaya sida suugaanta carbeed xarafka "C".. Maansadan Noocan ah waxa igu dhaliyay dareen aan kaga hadlayo suugaantu waa maxay, mase tahay wax qof kasta gadan karo oo badeeco oo kale ah, mase tahay hadal inta la soo taxtaxo aan muciyo murti lahayn, waa MAYA maaha suugaantu hadal la soo soohoo bilaa murtiyo xikmad ah.... Maansadan qaabkan ah waxaan u bixiyey QAAFIYADA LAMAAN(Qaafiyad soomaali iyo tii carbeed).

Curinta qaabkan qaafiyada lammaan waa mid aad maskaxda loo tuujinayo oo laga ilaalinaya inay jabnaanto murtina kana noqoto mid ka faro madhan.

Ka bogosho wacan Maansadii

SUUGAANTU WAA DHAXALFAC

"Suugaantu maha beec,
"Sida shaadhiyo diric,
"Suuqiyo yaala milic,
"Sanaatiyo la sisto rubuc,

"Suugaantu maaha tuduc,
"Sahal Sidaa iyo sidaa doc,
"Sadaradeeda loo dhigo israac,
"Sareebiyo lahayn murti ah sooc,

"Suugaantu waa dhaxal fac,
"Salka ku haya hidoraac,
"Sooyaaliyo leh tixraac,
"Soo jiray dhawr farac

"Suugaantu waa onkodiyo hilaac,
"Sowdkeedu leeyahay habdhac,
"Sawaxaniyo lahayn garooc,
"Sadrigaaga ku shidaya qaac,

"Saaxiibow tartaniyo laac,
"Saloolashiyo le isboocbooc,
"Suugaaniyo murti leh dhumuc,
"Sina loogu ma curiyo laaclaac

"Saaxiibow maankaga ka maanac,
"Soofsoofkiyo kana ilaali macmac,
"Soohayow han is odhan bayaac,

"Sanaatiyo lagu mana hele rubuc

WT: Halabuur Mããñmããl Gûrxãñ

No comments:

Post a Comment