Kobcinta iyo korinta maansada soomaaliyeed waa mid dharaarba dharaarta ka dambaysa la soo la soo baxaysa ilo hor leh oo ka awdnaa suugaanta qoomiyada afka soomaaliga ku hadasha.
Murtimaaladii soomaaliyeed ee qarnigii Raage Ugaas waxay si baaxadle oo dihan umadooda ugu maaleen Buuniga suugaanta ama aan dhehee boqorka suugaanta waa gabaygee.
Xiligaas oo dadku ku dhaqnaa baadiyaha xaga afkiyo dhaqankana ay hodan ka ahaayeen waxay halabuuradu ku wada maansoon jireen gabayga, waana yaraa maansoyahan aan gole fuul ahayn.
Qarnigaa wixii ka dambeeyey ayey hano qaaday maansadu iyadoo halabuuro qalinley ah iyo qaar aan waxba qorinba ay uhub gurteen bal inay maansada ilaheeda kale daahfuranaa si loo helo habab kale oo loo curin karo iyadoo hanankii hoorinta suugaanta soomaaliyeed lagu fadhiisinayo haday tahay qaafiyad iyo ruqub xikmadeedkay lahayd.
Waxaan qormooyin badan oo aan idiinku soo gudbin doonaa maanso labo qaafiyadley ah.. Taasoo ah qaafiyadii suugaantii soomaaliyeed oo lagu daray qaafiyadii hawraarta carabiga..
Maansadan bal aan idiin ku ma'akubo, Meeris kastaa wuxuu ka bilaabmayaa xarafka Xa'da ah wuxuuna ku dhamaanaya sida suugaanta carbeed Xarafka Dha'da ah... Ka Bogasho wacan
"Xilka mood hadh
"Xeerka ka baydh
"Xaqiiqda dahaadh
"Xumaha fadhfaadh
"Xadhko ah xidhiidh
"Xogta siroon ku ladh
"Xukuumadana ku bidh
"Xaglo wada ah rabadh
"Xaajow taasi waa qadh
"Iyo Xukunka ku gaadh
"Xiskaga weeye kala badh
"Xadkaga weeye ka qadhaadh
"Xajow Xaabso weeye gaydh
"Xabadkaaga gelinaysa naadh
"Xubnahaga ku dhigaysa xaradh
"Xasanaadku ka yahay qanjidh
"Xildhibaanow kaa dhigaysa cudhaadh!
WT: Maanmaal Buureed Gurxan
Eebaha Xakiimka Ah Baa Mahadle
No comments:
Post a Comment