Beri baa waxaa jiray degmo ballaaran oo ka koobneyd rag walaalo ah. Ragga nin wuxuu ahaa nin aqoonta diinta ku xeel dheer, midi wuxuu ahaa geesi, midi wuxuu ahaa nin wiilal badan leh, midi wuxuu ahaa deeqsi, midi wuxuu ahaa maalqabeen, midina wuxuu ahaa nin caqli badan.
Waxay walaalihii isku qabteen taladii reerka iyo kii noqon lahaa hoggaamiyaha beesha, sidaan bayna u doodeen: -
Wadaadkii: waxaan ahay nin aqoon diimeed leh, garanaayana xaqa iyo xaqdarradee ha la ii daayo talada.
Geesigii: waxaan ahay ninka loogu soo dhici waayay beesha, halyeynimadayda baana ku nagidihiine ha la ii daayo talada reerka.
Deeqsigii: dadka aan nahay xidid, xasabo iyo xigaalba deeqdayda bay beeshu kula dhaqan tahaye talada ha la ii daayo.
M/qabeenkii: anigu waad ogtihiin oo hantiilaan ahay, kurtiinna waan idin ka xoolo badnahay, xoolo la’aanna cid lama hoggaamin karee talada ha la ii daayo.
Caaqilkii: anigu waad ogtihiin oo nin garaad fiican leh baan ahay, dunidaanna sideedaba garaad weyn bay ku fadhidaa, nimaan garaad badneynna looma uumin in hoggaamiye noqdo ee talada ha la ii daayo.
Laandheerihii: waad ogtihiin oo rag xoog leh baa ii jooga, dunidaanna ninkaan tiro sheegan taladiisu ma meelmarto ee talada ha la ii daayo.
Waxay doodaanba waa ismari waayeen. Caaqilkii baa wuxuu soo jeediyay mar haddaan taladii ku heshiin weynay aan u tagno dad waxgarad ah oo noo garsoora. Sidii baana la isku afgartay.
Walaalihii waa isa soo raaceen waxayna u yimaadeen degmo lagu maleenayay rag waxgarada. Markay soo hoyaadeen oo la sooray baa loo sheegay in waaberigii waxgaradkii u imaanayaan.
Aroortii hore baa rag u yimid. Waxay ku yiraahdeen nimanyahow; waxaa dhawaan noo imaanaya raxan libaaxyo ah, waxaana degmada dhaqan u noqotay in subax walba qof geedkaas loogu xiro. Haddaan saas la yeelinna degmadoo dhan bay baabi’inayaan. Waxaan idin ka rabnaa inaad nin libaaxyada loo xiro u soo saartaan.
Walaalihii waxaa ku dhacay amakaag iyo waxaan la filayn. Wax lagu hadlo ayaa la garan waayey.
Caaqilkii baa yiri raggii degmadow iska taga annagaa qof u soo saareynnee. Markay ka tageen, baa libaaxyadiina soo muuqdeen. Walaalihii geedkii qofka loogu xiri jiray bay yimaadeen.
Markaasaa caaqilkii yiri: geesi walaalaheen mid ma xiri karnee na difaac.
Geesigii wuxuu yiri; sidee u difaacaa intaas oo libaax, xaggeese ka keenaa hubka aan ku difaacayo?
Caaqilkii baa haddana yiri; deeqsi kaasho waxtarkaagiiyo na difaac.
Deeqsigii Wuxuu ku jawaabay; maxay deeqi ka taraysaa bahalladaan dad-qaadka ah?
Caaqilkii baa yiri; war haye maalqabeen hantidaada badan nagu difaac.
M/Qabeenkii Suu yidhi; walaaow hanti maxay saacaddaan ka tari kartaa bahalladaan? Oo bariirtii cabsida wajiga la kaduuday.
Caaqilkii baa haddana yiri; laandheere adiga iyo wiilashaada badan na difaaca maanta,
Laandheerihii wuxuu ku yiri: wiilashayda iyo aniguba waa ku jariiracoonnaa libaaxa, haddana walaalow meesha maba taagnaan karo oo ismajiiray.
Caaqilkii wuxuu ku jeestay shiikhii oo yiri; war adaa diin badan yaqaane, quraan nooga akhri bahallada.
Wadaadkii suu yeh: alamtara iyo watiinba ku akhriyay soona dhaaf oo ismajiiray.
Caaqilkii baa yiri; haddaba ka durka geedkoo bal waxaan sameeyo arka.
Raxantii oo markaas soo istaagtay buu u yimid.
Caaqilkiina wuxuu ku yiri: nimankaas meesha taagan baan mid idiin xireynnaa, waxaase ninka aan idiin xireynno jirkiisa ka md ah cad, kiinnii cunaa uu ku waarahayo oo uusan waligii dhimaneyn ee giddigiin idin kuma filnee midkee u daysaneysaan?
Gooshii baa soo boodday oo tiri anaa dir libaax u qaraabee waa aniga, saa aarkiibaa il iyo goonkeed fujiyay, markaasaa intii kalana labo labo isu qabsadeen. Intay bahalladii isheysteen baa caaqilkii walaalihii u yeeray oo yiri intay isku jeedaan warmeeya. Sidii baa la yeelay bahalladiina dhammaan halkii baa lagu laayay.
Markaas kadib baa dadkii dagmadu meeshii bahallada lagu laayay soo dhoobtay, mise bahalladii dadka ka dhammeystay meeshay wada kogsan yihiin. Waxay la yaabeen sida dhibka yar ee bahallada loo laayay.
Markaasaa la waydiiyay walaalihii awoodda ay adeegsadeen iyo kooda fikirkii lagu laayay lahaa. Waxaa loo sheegay xirribtii caaqilka ee bahallada isku dirtay. Dadkii aad bay u farxeen waxayna soo dhaweyn iyo sooryeyn ugu cesheen walaalihii.
Subaxii dambe ayay walaalihii yiraahdeen waxaan rabnaa waxgaradka degmada. Si farxad leh ayaa loogu keenay dhawr nin oo waxyaqaan wada ah. Walaalihii waxay jeediyeen arrinkoodii. Markii la dhageystay baa waxgaradkii soo showray.
Go’aankii waxay ku yiraahdeen; nin walba oo idinka idin ka mid ahi wuxuu ku fiican yahay qeyb ka mid ah arrimihiinna, waxaase isku kiin hagi kara Caqilkee talada u deysta. Sidii bayna walaalihii ku heshiiyeen nabad iyo baraarana ugu sii nagaadeen.
Sheekadan Gaaban ee xambaarsan Tusmiyo tusaale murtiyeysan waxaynu kaa faaidaynaa
1: Dadka soomaaliyeed waxay leeyihiin dhaqan aad u qiimo badan kaaso kala bila oo haga hab nololeedka iyo geedii socodka umada waxaana hormuud ka ah Golaha dhaqanka oo ah isimada ama salaadiinta beeluhu doortaan. Sidaa daradeed markay talo gondaha lalaabato waxa loo geeya oo gundhiya ama godliya waa Isimka/Caaqilka dadku doorteen ee geedka fadhiya..
2: Waxanu kaloo ka faaidaynaa ficil kasta oo la qabanayo waa in laga wada shawraa, waana in aan nina gaarkiisa wuxuu doonayo umuqaysan markay xaajadu taagan tahay danta guud
3: Waxay sheeko murtiyeedkan inoo tibaaxaysa wixii cadaw kugu ah in aan lagu muquunin oo kaliya geesinimo, maal, ama xoog laakiin caqiliyo maskax fiyow loo adeegsado oo keenta xiribiyo xeelad lagaga dabaalan karo si fudud hawsha culuse kula soo darista...
Maanmaal Buureed Gurxan.......