Maansadani waa waxaan curiyay maalinkii la dooranayay gudoomiyaha baarlamanka dawlada fadaralka ah ee soomaaliyee oo ay ahayd 28/08/2012.
Maansadani waa mid qaabka iyo habdhaca qaafiyadeedu yahay hab u curinta suugaanta carbeed, taasoo meerisyadeedu ku dhamaanayaan xarafka "F",...Sidoo kale malaha xarafraaca suugaanta soomaaliyeed, Waana mid cagta saaraysa habdhiska jacbur maanseedka hawraarta soomaaliyeed.
Waxaana ubucdeeda ku duugan meerisyo kuu sawiraya xaalka ka taagnaa hoolkii doorashada lagu qabtay iyo siday laacdamayeen xildhibaanadii u taagnaa xil qabashada booska horjoogaha barlamanka dawlada.
Sidoo kale waxay maansadu idiin jafeefaysaa meerisyo maadiyo qosol miidhan ah.
Waxaan iri:-
¤Buluzio loo wada foof
¤Ragu xil u wada jaynaf
¤Hurdo gogoliyo diide jiif
¤Qorraxdu u yeeshay jilif
¤Xildhibaanadii noqde haatuf
¤Ninba ninka kale sanif
¤Raaxada iskaga qaade huruuf
¤Gidigood wada gale saf
¤Muuse siidhiga afuuf
¤Socotay saacadiyo haaf
¤Waxay sii tidhaahdo girif girif
¤Codayntii lagu wada leef
¤Markiiba waraaqihii la soo quf
¤Loogu dhawaaq qof qof
¤Carabka jawaari lagu saafsaaf
¤Cali gowsaha lagu raaf
¤Musharaxiinti qaate if
¤Jawaari lagu wada daaf
¤Ilaah afhayeenka ucalaf
¤Gaas ka soo booday neef
¤Galayr yidhi warka dhaaf
¤Farmaajo soo yidhi xuf
¤Xajiintiyo iska daawe xanaf
¤Sharif sakin liqyey laf
¤Xanuunkii orodyey raf
¤Wabiga yiri jaf
¤Xasan Abshir bilow hiif
¤Halka iyo u carar sunujiif
¤Husiyo lagu yiri uf
¤Cid ka daba hadashay dhif
¤Ana gaadhsiyey daraf ka daraf
¤Bal ha ka qaadina daaf
¤Hana odhanina waa biif
¤Hana ka aadina cidhif
¤Hana udhiganina baaf
¤Yaaney idiin helin diif
¤Ninkii la jalaadaya gef
¤Kama gaaabsado qadaf
¤Oo tiisu waa beeniyo huf
¤Iyo buuro jiidhiyo qarjaf-e
¤Daawadeedu waa gaaf
¤Lagu wada yahay xariif
¤Nimanyahow Intaasina waa afeef
WT: Määnmääl Búúrééd
♥>>>>28/08/2012<<<<
No comments:
Post a Comment