¤Jacburka abwaankii iga jafaajugsan baa, Soohi karaye
¤Aniguse Gabay calaashan oo raqdan baan, soo laadayaaye
¤Suugaan cajiinkaa ka badan baan, soo qubayaaye
¤Halabuurkii lugo sigaara ku taagan, Wuu jiidhayaaye
¤Bal ha ku gubanina kaygu waa dambasiyo, Bisbaas hungmaye
¤Bilcaan qurrux la jidhidhiconaysa oo, Cududuhu gaamurmeyn
¤Oo bilicdeedu buniyo dhuxul la isku qooshay, ka nuur badan tahay
¤Oo Talaabadiyo xarago socodka sidii, Jeer ulaafyoonaysa
¤Doobkii jaaheeda mar arkaa waa inuu, Caashaq la kurboodaaye
¤Ciyaal xaafadkii mar bartaa waa inuu, Cadey ula baxaaye
¤Afarta intaan soo malmalay, Ma idiin muufeeyey
¤Rag baa jacburka tabceeye sidii, Dhoodaan ma udubtay dheh
¤Gabayga lama soo muqeeye, Maraqiisa ma idiin culay
¤Balan afar kale sidii aar shaarbo waaweyn, Ugu dhaantaayo
¤Reer xamarku jacayl gamaayoonayey, La jiboodane
¤Xiisiyo xubi aan xabadka jirin bey, La xadreeyaane
¤La,aanta ma noolan karaayina way ba, Ku heesaane
¤Dhaaciluhu Shaxaarigii hindi matali karayey, Abidkood uqiiroodaane
¤Qawdhan sidii qoodh u soo qabdhamaya wey, Ka dalandoolane
¤Bal maxaa reer waqooyiga xabibtiyo macaanta xiimaysa, Ka xarimay?
¤Iyaguba afmiishaara wey sidataan, Dacariyo malab tufaye
¤Afartaa jacaylada marin habaabay, Jalaafooyinkoodi dheh
¤Caashaq digashiyo dabin badan, Qiiro jabaantiise dheh
¤Ina xareed indho birtu samayn jiriyo, Xishood badnaantiisi dheh
¤Murtiyo suugaantaan daadin jiray, Miidiyo mucdeedii dheh
¤Jacburkuu maanmaal jeebayn jiriyo, dhinbilihiise dheh
¤Maskax baan la haynine midkuu, Dhoodaan Calaashan jiray dheh
WT: Maanmaal Buureed Gurxan
No comments:
Post a Comment