Muga moolalka suugaanta soomaaliyeed waa mid qoto dheer oo ka soo maaxda afsoomaliga oo ah mid aad u fac weyn.
Heestu waa qayb/farac/laan ka mida laamaha maansada soomaaliyeed ugu qadiimsan.
Waxaa dhici jirtay qarnigii 18aad iyo badhtimihii 19aad halabuuradii berigaa joogay inay ka faani jireen oo ay ka hawoon jireen tirinta heesaha oo waxay qaarkood tirin jireen markay gaaf isku yimaadaan.
Hadaba markii fankii soomaaligu unkamay sanadihii ka dambeeyey 1940kii ayey heesuhu hanaqaadeen oo ay soo baxeen halabuuro iyo heelomaalo hore leh una darban curinta heesaha iyagoo qaarkood weliba saarayaan laxanka ka dibna u dhiibayaan Hobol/fanaan si macaan ugu luuqeeya.
Casrigan aynu joognana waxaaba odhan karnaa heesuhu waaba kuwa ugu curin badan suugaanta soomaaliyeed taasoo keentay inay la jaanqaadaaan qalabka casriga ee wata danankiyo bulxamaha reema iyo buum codka aad moodo ee ruxaya rubadiyo laabta.
Halabuurka bahweynta maansada muqaysan karaya kuma maygaago heesaha kaliya ee qaybaha maansada marba mid buu ku rakibta isagoo dadka ugu soo gudbinaya dareenka ka dhex hungmaya yalanyalxadiisa si loola wadaago ileen waxaad qarsataa wey ku qarsadaane.
Bogan weliba qaybtiisa heesaha qoran ah waxaan idiinku soo gubinayaa heeso qoran aanse dhamaystirnayn oo aan afqabtay, waxaana usoo wada dhigi waxaa hada soo baxay budhcad suugaaneed holan qaba oo bogiyo maanku madawyahay oo meeris halabuur curiyey inay quutaan mooyaane iyagu aanay qumaysan karayn.
Dhammaan asxaabta booqata bogaygan waad mahadsan tihiin, Fikiriyo Wixii taliyo tusaale ah ba waad ila wadaagi kartaan.....
"Ala yaa timohaldhaleyey
"Baryo talexiyo jiidali,
"Dalxiis kula tamashleyoo,
"Intuu taash kuu xidho,
"Daallo aroos kaga tuma
WT: #Maanmaal Buureed Gurxan
No comments:
Post a Comment