Maanmaal Buureed Gurxan:
"Caadil baa gargaar laga sugaa, "Cibaado baa Jano lagu galaa, "Caqli baa duni lagu gardaadshaa, "Cilmi baana darajo lagu gaadhaa
Cilmi baana darajo lagu gaadhaa, Haa waa run, Markasta oo la damco in la higsado hormar waxaa haboon in la isla qiro wadada kaliya ee lagu gaari karo hormarka loo hamuunka qabo in ay tahay waxbarasho oo kaliya , runtii faa’iidada ay waxbarashada u leedahay qofka bani aadamka ah ma ahan mid lagu soo koobi karo maqaal iyo wax la mid ah , sidoo kale waxaan si fudud u sharixi karnaa waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in ay tahay hormar dhinac maskaxda ah oo ah runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku heli karo. dhamaan noocyada kale ee hormarka waxaa sal iyo asaas u ah hormarka maskaxda. oo hadii la waayo ay aad u adkaan doonto in lagu riyoodo wax uun hormar ah . Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah , sidoo kale waxaan ognahay in dunida maanta ay u qaybsan tahay labo qayb oo waxkasta ku kala duwan , waana dunida hormartay iyo dunida danbaysa.
Xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay sidaas ayaa ah waxbarashada.. wadama aadka looga qadariyo waxbarashada waxay gaareen hormar la taaban karo, haday tahay dhanka koboca iyo horumarka dhaqaale(Economic Growth and Development), iyo Awooda qaranimo ahaaaneed.
Wadamadaas oo loo yaqaano wadamada horumaray (developed countries). Halka wadama aan laga danayn ama aan ahmiyad weyn la siinin waxbarashada ay yihiin kuwa aad u danbeeya marka dhinac kasta laga eego, kuwaas oo awood dhaqale lahayn, ayna ragaadiyeen cuduro, faqiirnimo, abaar taagana, deymo adduunku ku leyahay iyo dagaalo qabiili ah.
Hadaba sidaa si la mid ah si waxaa aad ku kala duwan dadka waxbarta iyo kuwa aan marna qiimayn waxbarashada. Dadka qiimeeya waxbarashada waxay leeyihiin awood tayeed taasoo u sahlaysa inay u furto albaab kastoo ay damcaan in ay galaan halka kuwa kale ay yihiin kuwo aan tayosiimo lahayn haday tahay in aanay lahayn tiir adagoo dhaqaale, taliyo go,aan yeelan kari inay cid ku tiirsanadaaan mooyaane, siddoo kalena ay yihiin kuwo dugsanaya dhaqamadii jaahiligee awoowayashood ka dhaxleen haday tahay qabiil qab loo yeelo(QABYAALAD/TREBISM).
Dhanka murtiyo suugaanta soomaaliyeed hadaan ku iftiimo tayo darada qofka aan tacliinta baran ama aan aqoon lahayn, waxaan soo qaaadanaya dhawr meeris oo ka mida gabay uu tiriyey Halabuur Maanmaal Buureed, gabaygaas wuxuu ku tilmaamayaa abwaanku qofkaan tubta toosan ee sunada qaadin, kaan talo san yeelan Karin, kaan wax tacban ama aan tashiilan, iyo kaan tacliin baran, shantaasba in aaney tacliin yeelan Karin tayo qof ahaaneed. Wuxuu yiri abwaanku:
"Ma tukade toosanta ma qaado, iyo tu Tawakalku faraye
"Ma tashade tayiisimo ma yeesho, taniyo waa hore
"Ma tabcade taajir ma noqdo, iyo ruux tiisa ku filane
"Ma tashiilste tuugmo kama baxo, iyo baahi taagan ahe
"Aftaasba tayo ma yeeshaan, iyo kaan tacliin baranayne
Arinta ugu wayn ee waxbarashada laga dhaxli karo ayaa ah sida aan sheegnay hormar dhinaca maskaxda ah oo ah furaha farxada nolosha , qofku wuxuu nolol sharaf ah oo farxad ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo .
Sidoo kale dal wuxuu hormari karaa oo kaliya marka ay jiraan dadkii hormarin lahaa, dadkuna waxba ma ay qaban karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen , waana taas sababta kaliya ee uu dalkeeni soomaliya uga bixi la’yahay burburka mudada ku dhow 20 ka sano .
Aqoondaridu ama jahliga ayaa ah cadowga ugu wayn ee uu qof yeelan karo inta uu noolyahay , jahligu wuxuuj qofka u diidaa markasta in uu ka fakaro waxa dantiisa ah , sidoo kale aqoon la’aantu waxay dadka dhaxalsiisa in ay garan kari waayaan siyaabaha fudud ee loo noolaan karo . markasta oo uu jahligu bato waxaa aad u adkaada nolosha, sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlo aqoon la;aanta waxa ugu daran in dhamaan dadku ay ku mashquulaan wax aan marnaba dan ugu jirin, sida in lagu xiiqo wax aan la fahamsanayn. Hadii aad u kuur gashid dhamaan dalalka gaaray hormar la taaban koro , waxaa kuu soo baxaya in ay waqti iyo hanti badan galiyeen sidii ay wax ku baran lahaayeen , tusaale ahaan dalkan aan ku noolnahay ee Kenya waxay dadkiisu aad u qadariyaan aqoonta , waana taas sababta ay Kenya u noqotay dalka ugu hormarsan dalalka geeska Afrika ku yaal .
Dad badan ayaa aaminsan in sababta ugu wayn ee ay soomaliya u burburtay ay tahay aqoon dari ku habsatay dadka intiisa badan , waana dood gar ah oo xaqiiqda u dhow marka aad fiirisid taariikhda dalalkii soo maray burburka.
Mararka qaar waxaa dhici karta in colaado sokeeye ay si kadis ah dal uga qarxaan , balse aqoon la’aanta ayaa keenaysa in nolosha burburka loo arko in ay tahay wax iska caadi ah oo la iskaga sii jiri karo intii la rabo , waana sida haysata dalkeena soomaliya oo ah runti dal aad u qiimo badan marka la fiiriyo qayraadkiisa dabiiciga ah .
Waxaan kaloo dhihi karnaa hormarka ugu muhiimsan ee uu qofku ka dhaxli karo waxbarashada ayaa ah xoriyad xaga maskaxda ah, qof kasta oo aqoon leh waxuu sameen karaa fakar uu u madax banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidatouu ku tiirsanyahay marwalba fakarka ama aragtida dadka kale.
Sidoo kale qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad hormarin karta nolosha dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed .
Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisa kalsooni buuxda , kasloonidana waxay qofka u fududaysaa in uu si hagaagsan u guto waajibaadka ka saaran nolosha, sidoo kale aqoon la’aantu waxay ku beertaa nafsada qofka in uu ka baqo wax kasta oo ku cusub noloshiisa, taaso mararka qaar laga yaabo in uu kala horyimaado waxkasta oo hormar keeni kara diidmo iyo baqdin is barkan .
Fariinta ugu wayn ee ay aqoontu xanbaarsan tahay ayaa ah isbadel dhinac kasta ah oo taabanaya qaabka loo noolyahay markaas . markasta oo ay aqoontu kororto waxaa badanaya isbadalka xaga nolosha ah. Markasta oo uu isbadel jiro waxaa fududaanaya in la hormaro .
Waxbarashadu ayaa ah hanitida kaliya ee ay dhalinyardu dhaxli karaan si ay u sii hormariyaan nolosha markaas lagu sugan yahay , hadii ay dhalinyaradu dhaxlaan jahli ama aqoon daro waxaa mugdi aad u wayn galaya mustaqbalka dalka , waana taas sababta markasta dunida looga digo in dhalinyaradu ay aqoon la’aan noqdaan ,balse dhalinyarada soomaaliyeed waxay dhaxleen jahli daran oo sababay in mustaqbalkooda uu mugdi galo.
Dhalinyarada soomaaliyeed waa aayihii iyo lafdhabarti umada soomaaliyed waxaan loga baahan yahay inay fadhiga ka kacaan una dareeraan ama qaadan tubta horumarka iyo iftiinka lehe ee adduunyada iyo aakhiraba ka yeelaysa dhalinyaro guulaysata oo dadkoodana u horseedaa barwaaqiyo bardhaaadh. Dhainyaradu waxaan kula talinayaa
1. Inay siduu eebe faray raacaan kuna toosnadaana dariiqii uu rasuulkeenu(SCW)
2. Inay ku dadaalaaan siday nafahooda uga dhigi lahaayeen kuwo cilmiga iyo barshada diinta taabaca
3. Inay ahaadaan kuwo hidiyo dhaqankooda ku adkaada wixii aanay diinteenu diidanayn.
Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkan dhawrkan meeris eek u jiray gabay uu tiriyey Halabuur Cabdirisaaq Maanmaal Buured:
"Turubiyo khamaar ruuxa taabacaye, tuko laga waayey
"Taqwo seeg inuu yahay, waa tu'aan muran lahayne
"Toobiyo xijaab gabadha tuurtayee, tafaha qaawisay
"Tayo guur inaan loo xulanaynin, waa tu’aan muran lahayne
"Tacaliiniyo aqoon ninka ka tagaye, shaqo lagu tuhmeynin
"Timaadada inuu tuugsan doono, wa tu'aan muran lahayne
"Ku taama tacliintiyo aqoonta waa, tiirka noloshee.....
Allow Xaqa Na Waafaji
No comments:
Post a Comment